Taageerayaasha xisbiga Kulmiye shalay qaabilay oo isugu jiray Siyaasiyiin, xildhibaano golaha deegaanka ah, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween, ayaa munaasibad soo-dhawayn ah xisbigu shalay ugu sameeyey Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaana xafladda kala qayb-galay hoggaanka sare ee xisbiga oo taageerayaasha cusub ee ku biiray oo si kal iyo laab ah ku qaabilay.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin ah oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inay soo-dhawaynayaan taageerayaasha ku biiray, waxaanu sheegay in ujeeddada axsaabta siyaasadda loo sameeyey tahay in lagaga baxo nidaamka beelaha ee Somaliland ku soo hana-qaadday.
“Nidaamka axsaabta badan ee Somaliland aynu imika qaadanay umaynaan samaysan inaynu qabaa’il ku maamulno, umanaynaan samaysan inayu Gobollo ku maamulno’e waxaynu u samaysanay inaynu Horumar ku maamulno,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn u soo dhaweeyey cudduda cusub ee Xisbigiisa u diga-rogatay, waxaanu uu si mug leh u sharraxay ujeeddooyinka iyo Mabaadii’da Guud ee Xisbiga Kulmiye ku aasaasan yahay iyo hannaanka loo hago siyaasaddiisa, waxana uu yidhi, “Waxan idiin soo dhaweynayaa si kal iyo laab ah dhammaan Taageerayaasha kusoo biiray Xisbiga Kulmiye, laga bilaabo maantana waxa kamid tihiin xisbiga oo dhibtiisa iyo dheeftiina cidina idinkama laha. Xisbiga Kulmiye waxa uu u taagan yahay umad Somaliland ah oo isu timid oo fikirkooda mideeyey oo ku mideeyey qorshe siyaasadeed oo himilo dheer leh oo ay u arkaan inay dalkooda iyo dadkooda ku horumariyaan, qorshahaas siyaasadeedna waxa bud-dhig u ah talo loo siman yahay.”
“Kulmiye waxa ka go’an in muwaadin kasta oo Somaliland ahi uu helo xorriyad buuxda oo dhinac walba ah iyo dhaqaale horumarineed sidii lo heli lahaa oo ay u siman yihiin dhamaan Somaliland, si taas loo xaqiijiyona waxa lagu soconayaa in dalka laga hirgeliyo hannaan siyaasadeed oo xaqiijinaya karaamada qofka bani’aadamka ah,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Muuse Biixi Cabdi waxa taageerayaasha cusub ee Kulmiye u sharraxay waajibaad looga baahan iyo xuquuqda uu leeyahay qof kasta oo kamid noqda Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi, “Qofku marka uu Kulmiye Soo Galo waajib baa fuula, waxana laga rabaa inuu dantiisa iyo midda qaranka uu midda qaranka horraysiiyo, waana inay ka dhab ahaataa da-jacaylka iyo qaranimaddu, qofka kulmiye-na waa inuu ahaadaa mid naftiisa ka adag oo dulqaad iyo adkaysi ah, qof kasta oo Kulmiye ahna waxa laga rabaa inuu dedaal badan iyo shaqo badan laga helo.”
“Qofka Kulmiye kusoo Biiraa waxa uu xaq u leeyahay in la dooran karo, waxna uu dooran karo. Waxa uu sidoo kale xaq u leeyahay inuu xisbiga dhexdiisa ka doodi karo, kana cabbiri karo fikraddiisa iyo aragtidiisa iyo xeerarka iyo Shuruucda Xisbiga kasoo jeedin karo ra’yi in wax laga beddelo iyo in wax lagu soo kordhin karo taas oo uu xor u yahay,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay masuuliyiinta sar-sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey Taageerayaashan cusub ee kubiiray, waxaana ay u ballan qaadeen inay xisbiga ka heli doonaan xuquuq la siman midda ay leeyihiin kuwa uga soo horeeyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment