Wednesday, November 19, 2014

“Madaxweyne, Carabtu waxay ku maahmaahdaa Shacbi waliba wuxuu leeyahay Diinta Madaxweynahoodu haysto oo…”

“Midna waxaan ka odhanayaa Super-powernimada (Awoodda fiican) ee reer Hawd iyo Hargeysa... Anigu, Madaxweyne, Woxoogaabaan meel halkan ah ku hayay, waan la baqay inaan keeno” Wasiir Waran-cadde

“Waxa la yidhi oo aan halkan ka maqlaayey Super Power, Super Power-kana waxbaa ku xidhiidha, Veto Power (Awoodda Diidmada Qayaxan) ayuu leeyahay, markaa...” Wasiir Cadami

“Haddaannu nahay gobolka Hawd ama reer Hawd-ba, taariikhdii Somaliland haddii laga soo bilaabo Berigii Faraacinada illaa maantadaa aynu joogno, marka halgan, xoog iyo talo loo baahdo..” Muuse Biixi

Baligubadle, 19 Nov, 2014 (Himilo)- Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadallo Kaftan, Dhiirri-gelin, Faan iyo Ammaan isugu jira ka jeediyey magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Haw doo Casuumad loogu sameeyey Madaxweynaha dalka iyo Wefti uu hoggaaminayey oo ay iyagu xubno ka ahaayeen.
DSC_0970DSC_0952Hadallada ay Wasiirrada arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi ka jeediyeen Madashaas oo aad u soo jiitay Madaxweynaha iyo in badan oo ka mid ah dadweynaha iyo Masuuliyiinta Madasha Casuumadda fadhiyey, ayaa taabanaya dhinacyo kala duwan oo wax-qabsiga bulshada, isku-tiirsanaanta iyo isku-duubnimada, deegaanka, awoodda, dul-qaadka iyo waxyaabo la hal-maala.
“Mudane Madaxweyne, Carabtu waxay ku maahmaahdaa ‘An-naasu Calaa Diinu Muluukiyi’ oo macnaheedu yahay Shacbi waliba wuxuu leeyahay Diinta Madaxweynahoodu haysto oo micnaheedu yahay wuxuu Madaxweynahaasi ku tilmaaman yahay, ayuu shacabkaasi ku tilmaaman yahay. Madaxweyne, markii aad u shiraacatay horumarka dalka, waxa halkan ka cad in bulshada reer Hawd iyo Hargeysa aanay kaa gaabinnin ee ay inna daba-guclaynayeen oo ay markhaati u tahay waddada qiimaha leh ee halkan maanta aynu u fadhinno. Madaxweyne, waxay waddadani dheertay waddooyinkii hore, waa waddo ay suurta-gal tahay haddii ay diyaaraduhu cidhiidhi ku noqdaan madaarka Hargeysa, diyaaradaha qaarbaa fadhiisan kara.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.
Wasiirka arrimaha gudaha Mr. Waran-cadde waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Midna waxaan ka odhanayaa Super-powernimada (Awoodda fiican) ee reer Hawd iyo Hargeysa. Waxaan ka markhaati kacayaa laba dhacdo oo ay bulshadani soo martay oo fasiraya kelmadda ay halkan ka yidhaahdeen inay asal tahay. Labadaas dhacdo waxay yihiin, iyada oo dadku Wan iyo Waraabe noqday magaalada Hargeysa oo nin waliba Rayfalkiisii hoosta ku haysto oo aanu walaalkii u aamminin, ayaynu damacnay inaynu dawlad abuurno oo qoryaha laysku gumaadayo la xereeyo. Anigu, Madaxweyne, Woxoogaabaan meel halkan ah ku hayay, waan la baqay inaan keeno, reerkani wuxuu ahaa reerkii yidhi wixii aannu haynay waakaas oo ku xereeyey Istaadyowmka. Cid aan Super-power ahayni may tidhaahdeen noo haya qoryaha.”
Qodobka labaad Waran-cadde oo sharraxayaa waxa uu yidh; “Ta labaadina waxay ahayd iyadoo beesha Hawd iyo Hargeysi yar cadhootay oo degmo halkan Hargeysa oo laysku qabtay ka cadhootay, ayay sida daadka iyo mawjadaha iyagoo u socday waxay ka soo tallaabeen Dooxa Hargeysa. Dabadeedna dadkii oo dib u guranaya, ayaa aniga iyo nin kale ka hor nimi annaga oo ka baqanayna, ayaannu nidhi ‘Sharac Alle Beeshii Hawd iyo Hargeysaay istaaga!’ Madaxweyne iyagoon kelmad nagu soo celin ayay istaageen, dabadeena fadhiistaannu nidhi. Shan daqiiqo ka bacdi waxaannu nidhi Iska taga, bartiibay ka noqdeen.”
“Waxaan ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland inteeda kale intiina maanta ku hawlan horumarka, gobonimada iyo nabadgelyada mooyee, inta yar asqaysan ee innaga ah ee wali asqadu ku jirto in Illaahay Asqada ka saaro oo dalkooda iyo dadkooda soo raacaan.” ayuu hadalkiisa ku sii ladhay Wasiir Waran-cadde.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxa la yidhi oo aan halkan ka maqlaayey Super Power, Super Power-kana waxbaa ku xidhiidha, Veto Power (Awoodda Diidmada Qayaxan) ayuu leeyahay, markaa waxaan rejaynayaa in Super Power-nimada inta la hadlayo laga qaado awoodda meesha oo la oggolaado in nin walba waxay ra’yigiisa la tahay, talada, ammaanka iyo ducada uu samaynayo uu xor u ahaado. Munaasibaddan taariikhiga ah waxay guul u tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo ciddii la socotayba soo dhawaynta diirran oo ka soo bilaabantay Hargeysa gudaheeda oo ku soo dhammatay goobtan aynu taagannahay, waa wax lagu meteli karo ama u eg wax laga tashaday oo la qorsheeyey oo beel-weynta halkan (Balli-gubadle) iyo deegaankani ay si fiican uga soo shaqaysay. Waxaanan ka markhaati ahay sidii ay u soo shaqeeyeen iyo halka haatan xaalku marayo Veto Power-kuna ha ku jiree, in ay tahay wax lagu ammaano beesha oo taariikhda u galaysa.”
“Beelaheena Somaliland cid waliba waxbay caan ku tahay oo lagu yaqaanaa; dhiigga kulul iyo damqashadu waa wax wanaagsan oo gobonimada ayay ka mid tahay. Dhiigga kululi, kii Barigii dhawayto, marmar buu xataa xad-dhaaf noqdaa, markaa waxaan ku talinayaa, dhiigga kulul iyo Ficiltanka waxa ka sii wanaagsan in Qaranka loo ficiltamo, in midnimada Somaliland loo ficiltamo, in jiritaanka Qaranimada oo maalmahan khatar ku jira oo habar-waliba u soo faydatay, oo cid waliba caayeysaa, oo cid waliba ridaysaa, dabadeena Gaaladii innagu dhego-wadanayd (ina dhegaysanysay) burburinteenna, tii bay qaadanayaan, dabadeedna waxa la inna leeyahay oo la inna barbar-dhigayaa Xamar-weyntii laga quustay oo la odhanayaa meeshan (Somaliland) lafteedu waa arbushan tahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Waxaanu Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Islaantaas la khasbay ama odaygaas meesha (Tv-ga) tagay ama caaqilkaas gur-gurtay ee meeshaas istaagay xorriyaddii dhiigga badan loo huray inuu lumiyo oo dib-u-dhigo, waa nasiib-darro aan laga soo waaqsan karin. Markaa, halkaana xamaasaddii fiicnayd halagu muujiyo oo haloo ficiltamo jiritaanka Somaliland.”
Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIY Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii Madashaa Madaxweynaha iyo Weftigiisa lagu casuumay ee magaalada Balli-gubadle ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey doorka ay taariikhda reer Hawd ku leeyihiin isagoo u faanay dadka deegaannada kale, waxaanu yidhi; “Haddaannu nahay gobolka Hawd ama reer Hawd-ba, taariikhdii Somaliland haddii laga soo bilaabo Berigii Faraacinada illaa maantadaa aynu joogno, marka halgan, xoog iyo talo loo baahdo, annaguun baa jilibka dhigi jirnay. Haddaannu nahay Hawd, reer Somaliland, Waran-caddena ku daroo, ee Xeebta ku harraaddan Barwaaqada annagaa u horseednay intaana waa lana soo daba-guurayey uun.”
Muusa Biixi oo dadka Qabyaaladda iyo Reernimada ka sheekeeya ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Dalku markuu u baahnaa Rag u dhinta, Ragga Hargeysa anigaa leh ama Wajaale anigaa leh ama Berbera anigaa leh ama Burco anigaa leh ee qolo sheeganayoow, aniga iyo Tima-cadde-ba xabbad baa nagu wada-dhacday, maalintaa xabbaddu nagu dhacday ee ay isaga kaaya dustay, ayuunbay noloshuna sidaas isugu mataanaysan tahay, dalkana lama kala laha, Raggii Xabbadi isaga wada dustay uun baa wada-leh. NInka maanta koofiyad u xidha ama laabtob soo qaata ee qolo-qolada u kala sheegaya, waxaan leeyahay dadka dhiiggoodaa isku dhafanoo, dad dalka loo kala sheegayo maaha, dalka Illaahaybaa dadka wada-siiyey, dawladdaa ka wakiil ah, dalka waa la wada leeyahay, nin waliba wuxuu ka qabto iyo horumarkiisuu leeyay, sida marka difaac loo baahdo loo wada leeyahay.”
“Halka labaad wuxuu ahaa kii dimuqraadiyadda; markii Xisbiga la furay ee halganka loo baahday, Bari illaa Galbeed, haddaannu nahay Hawd gobolkiisa iyo reer Hawd-ba, waxaannu isugu tagnay Kulmiye, miyaannaan Boodhka ka duulin Xisbiyadii kale?! Waxa isugu tagay aqoontii, wax-garadkii iyo dadkii lexejeclada ku lahaa Kulmiye. Kii Horumarkaa yimi. Bal u fiirso, ta Ceerigaabo mooyaane, waddoo dhami Hawd uun bay u socotaa marka waddooyinka la dhisayo. Waddoo dhami Hawd bay u baxaysaa, horumar oo dhami, Aqoon oo dhami. Haddaanu reer Hawd nahay mid waanu qaadanaynaa oo waanu ku faanaynaa; badow baad tihiin oo ilbax ma tihidin, laakiin waxaanu leenahay run-sheeg, wax-qabad iyo daacad hawshii oo dhaqaaqda.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment