Malleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday bas ay saarnaayeen dad rakaab ah oo ka tagay magaalada Mandheera ee gobolka Woqooyi-Bari Kenya ee Soomaalidu ku dhaqan tahay, kaas oo sida la sheegay kooxo hubaysani ka leexiyeen jidkii uu marayey, ka dibna dadkii ay u kala saareen Muslim iyo kuwo aan muslim ahayn, dabadeedna toogasho ku billaabay kuwii aan muslimka ahayn, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliska Kenya.
Alshabaab oo masuuliyadda weerarka sheegatay

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli dawladda Kenya hawl-gallo dad muslimiin ah dhibaatooyin loogu geystay ka fulisay masaajiddo ku yaala magaalada Mombasa, kuwaas oo ay sheegtay in laga soo abaabulo falal ka dhan ammaanka dalkooda.
Weerarkan, ayaa noqonayaa kii labaad ee ugu khasaaraha badnaa weerarro kooxda Al-Shabaab ka fulisay gudaha dalka Kenya labadii sanno ee u dambeeyey, ka dib markii sannadkii 2011 cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaasi Soomaaliya, kuwaas oo ilaa wakhtigaas ku sugnaa deegaamo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.
Qaabkii uu weerarku u dhacay
Weerarka kooxda Al-Shabaab ku dishay muwaadiniinta u dhashay Kenya, ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cumar Jilicow oo masaafo ahaan 30 KM dhinaca Bari ka beegan magaalada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya.
Sarkaal u hadlay ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegay in 28 qof lagu dilay weerarkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo dadkii buska saarnaa intooda badan macallimiin wax ka dhiga iskuullada magaalada Nairobi.
Saraakiil ka tirsan dawladda Kenya hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka ay geysteen dabley soddomeeyo qof ku dhow oo aad u hubeysan, kuwaas oo dadkii saarnaa gaadhiga ay kala sooceen dadka muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimka ahayn, iyadoo rakaabka ka dalbanayay inay akhriyaan Aaydaha Qur’aanka oo ay ku kala saarayeen kuwa Muslimiinta ah iyo kuwa kale.
Sida ay sheegtay shirkadda iska lahayd Baska dadka lagu laayey, waxa magaalada Mandheera ka raacay dad rakaab oo tiradoodu gaadhay 59 qof, kuwaas oo la sheegay in magacyadooda laga diiwaangeliyey xafiiska shirkaddu ku leedahay Magaalada Mandheera.
Dableydii weerarka fulisay, ayaa la sheegay inay si nabad-galyo ah uga tageen goobtii ay dilalka ka geysteen, iyadoo uu ka mid noqonayo weerarkan kuwii ugu xumaa ee sannadkan ay Al-shabaab ka geysato gudaha dalkaasi Kenya.
Dawladda Kenya Maxay ka tidhi Weerarka?
Dawladda Kenya ayaa weerarka ku tilmaantay mid lagu dilay dad aan waxba galabsan oo u badan macallimiin, isla markaana ay ka bad-baadeen tiro yar oo ka tirsan Rakaabkii Baska saarnaa
Taliyaha Ciidanka Booliska ee degmada Mandheera Noah Mwivanda, ayaa sheegay inay weerarka fuliyeen dabley uu tiradooda ku sheegay 100 isla markaana ay rakaabkii baska saarnaa kuwii aan Muslimka ahayn ka toogtay madaxa, waxaanu caddeeyay in weerarkaas dadkii lagu dilay ay ka mid ahaayeen askar ka tirsanaa Ciidamada Booliska Kenya
Sannadihii u dambeeyey waxa gudaha dalka Kenya ku soo badanayey wareerada qorsheysan oo lagu eedeyo inay ka dambeyaan xoogagga Al-Shabaabka ee ka dagaallamo Somaliya kadib markii 16- October- 2011, ay ciidamda dowlada Kenya gudaha u galeen Somaliya. Waxaana weeraradaas ka mid ahaa Weerarkii lagu qaaday Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi 21-dii September 2013 oo ay ku dhinteen 71 qof, kuna dhaawac-meen dad ka badan 175 qof.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment