Tuesday, November 25, 2014

Shir-guddoonka Wakiillada oo ka garaabay Xil-gudasho la’aan lagu dhaliilo

Hargeysa, 25 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiye ku-xigeenak labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Yuusuf ayaa ka garaabay xil-gudasho la’aan iyo qaladaad ku wejahan masuuliyadda ay gole ahaan Qaranka u hayaan inta badan bulshadu ku dhaliisho, isaga oo ku dooday yihiin bani’aadam qalad ka dhici karo.

Haseyeeshee, waxa uu Cali Yuusuf sheegay inay gole ahaan ku tallaabsadeen wax-qabad aan dalka u qabsoomin intii ka horeesay xilligii la doortay Golaha Wakiillada oo haatan laga joogo muddo Sagaal sanno ku siman.

Dr-Cali-Yuusuf“Golahani immika sagaal sannadood ayuu jiraa, markii la furay waxay ahayd December 2005-kii oo waxay sagaaalka sanno ugu dhammaanayaan bishan soo socota. Dhaliil kasta hala dhaliilo oo bani’aadamku khalad wuu yeelan karaa, laakiin intii aanu xilkaa haynay xeerarkii aanu dhammaynay intii Somaliland jirtay ee ka horaysay lama dhammayn,” Sidaas ayuu yidhi Cali Yuusuf oo shalay warbaabinta kula hadlayey Hargeysa.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Immika Dhowr iyo Lixdan ayay Xeerarku marayaan, meeshaan ugu nimidna waxay ahayd 29 xeer. Markaa waxyaabo fara-badan oo golahani qabtay way jiraan, wixii naga xumaadayna waxaanu ku heshiinnay inaanu toosinno oo aanay dib u dhicin.”

No comments:

Post a Comment