Thursday, November 20, 2014

“Waxay heshiis ku yihiin labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Labadooda Guddoomiyeba Wakhti lumis, korodhsiimada halka laga wadaana waa Halkaas,” Jaamac Shabeel.

Hargeysa:Nov,20,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac, ayaa ka Hadlay dhibaatada ka taagan Golaha Wakiillada somaliland iyo shakiga shacabka qaarkii ka Haysta inay doorashadii Madaxtinimada ee dalku xilligeedii ku dhici doonto.

SHABEELGuddoomiye Jaamac Shabeel oo Maanta la Hadlayey Warbaahinta, ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisu diyaar la Yihiin inay doorasho dalka ka dhacdo, balse Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Guurtidu Qoorta kaga Duuban yihiin Doorashadaas oo ay Carqadal ku Yihiin,“ma jiro annagu wax shaki ah oo aanu ka qabno doorashadu inay dib u dhacdo, tan korodhsiimada ee laga sheeganayana dee   sanad xun ama laba sano oo silcis ah iyo shan sano wax la is barbar dhigo ma aha, laakiin cillad kale ayaa meesha ku jirta waxana aan doonayaa inaan cilladaas caddeeyo. Baarlamaanka meesha la yidhaahdo waxay heshiis ku yihiin labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Labadooda Guddoomiyeba Wakhti lumis, korodhsiimada halka laga wadaana waa Halkaas, cidda doonaysaana waa iyaga,”ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Guddoomiyaha ayaa Su’aal Geliyey Sababta uu Guddoomiye Cirro ooh ore u shaaciyey inuu Musharrax Madaxweyne Yahay haddana uga qaybta yahay Carqadda ay Golihiisu wadaan, waxana uu isagoo arrintaas ka Hadlaya uu Yidhi,

“Waxyaabaha lala yaabo waxa kamid ah bal kuwa kale Doorashaba geli maayaane Guddoomiyaha Golaha wakillada ee sheegaya inuu Tartanka galayo ee Guddoomiyaha Waddani ahi, waxa uu Qayb ka yahay Wakhtilumiska iyo dibu dhigista iyo Jaahwareerka lagu ridaya Umadda.”

Jaamac Shabeel oo muddo badan soo ahaa Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ah shakhsigii ugu horreeyey ee Xisbigaas ka tirsan ee si cad u sheega inay Guurtidu carqalad ku tahay Hannaanka Doorashadu ku dhacayso, waxana loo arkaa inuu Yahay Shaki gaar ku ah Horjoogayaasha Kulmiye oo aanay xukuumaddu la qabin.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment