Sida ay ku sheegtay xog-warran ay siisay jariiradda AftonBladet oo laga leeyahay dalka Sweden, waxa ay xustay in Somaliland si laabfuran u soo dhoweynayso talaabooyinka beesha caalamku xal ugu raadinayso xasilooni iyo degenaasho ka dhaca dalkaasi Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaantay mid faa’iido u leh guud ahaan dalalka gobolka Geeska Afrika.“Inkasta oo aanu taageernay shirka qaadhaan-bixiyeyaasha, haddana sababta Somaliland u caddeysay inaanay ka qeybgelayn waxay ahayd muujinta inaan kala duwan nahay Soomaaliya,” ayey tidhi Ms Rooda oo intaas raacisay in qaadacaadda Somaliland ee shirarka qaadhaanka loogu ururiyo Soomaaliya aanu macnahiisu ahayn in dalkeedu diidan yahay iskaashi dhexmara Midowga Yurub iyo Soomaaliya.
“Kuma aqbalayno iskaashi aan taageero ku helo madal ujeedadeedu tahay in lagu khasbo Somaliland ahaanshaha qeyb ka tirsan Soomaliya,” ayay tidhi Rooda.
Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Sweden Ms. Rooda Jaamac ayaa ka mid ah Safiirrada ugu fir-fircoon gudashada masuuliyaddooda ee xidhiidhka dibadda.
No comments:
Post a Comment