
Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Wakiilada Cali Aw-yuusuf Axmed, ayaa kulanka ka dib warbaahinta u sheegay in kulanku ku soo dhamaaday niyad samaan, layskuna afgartay in Hawlaha golaha horyaala wada jir looga shaqeeyo.
“Waxaa jirtay maanta in Golaha Albaabadu u xidhnaayeen oo aan Saxaafadda loo Ogolaanin, sababtuna waxay ahayd Shirgudoonka iyo Xildhibaanada oo islaab xaadhanayay oo Heshiiskii ka dambeeyay Dhibaatadii iyo isqabsashadii yarayd ayay ka wada hadlayeen, waana la iswada saamaxay, waxaana lagu heshiiyay in Shaqada Golaha la dardar galiyo oo ka qayb qaadashada la wanaajiyo, oo mudadaa yar ee inoo hadhay loo wada shaqayn lahaa” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka 3-aad.
Mudane Cali Aw-yuusuf, waxa uu sheegay in dhamaan dhinacyada isku hayay golaha wakiiladu u mahadceliyeen Guurtida, qaateena Khiladka Khilaafkii dhacay “Golaha Wakiiladu dhamaantii Khaladkii waanu wada qaadanay, in la hagaajiyana waanu ku heshiinay, waana waxaynu kaga duwanahay Somalia”
Mudane Cali Waxa uu sharaxay qodobada ugu muhiimsan ee Goluhu degdeg uga shaqayn doono “Imika laba arimood oo degdeg ah ayaa noo yaala, mid waa Miisaaniyadda qaranka in degdeg loo dhameeyo, mida labaadna waa Komishanka, labadaasiba Ahmiyadooda ayay leeyihiin, umadduna way naga sugaysaa inaanu degdeg u dhamaynana waanu ku heshiinay”.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment