Berbera, 22 Nov, 2014-(Himilo)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa ka hadlay warar sheegay in Niman Ajaanib ah lagu waxyeelleeyey duleedka Degmada Sheekh oo ka tirsan Saaxil, waxaanu sheegay inaanay jirin dad ajaanib ah oo dhibaato loogu geystay Sheekh, balse ay jiraan Niman Qadariyiin ah oo deegaanka ka hawlgala oo meel Doox ah seexday intay Berbera ka tegeen, dabadeedna ay dad socoto ahi ka shakiyeen.
Dadkan oo lagu sheegay inay markii hore yihiin Yemeniyiin, isla markaana ay faro-saareen Ciidammada Ammaanka degmada Sheekh, ayaa si aannu u xaqiijinno waxaannu la xidhiidhnay Taliyaha Booliska Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha, hase-yeeshee, noomay suuragelin inaannu dhinacooda wax war ah ka helno Taleefannadooda gacanta oo xidhnaa dartood.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil oo su’aasha aan arrintan ka weydiiyey ka jawaabayaa waxa uu yidhi; “Nimankani Carab ha ahaadaan ee Yemeniyiin maaha ee waa Qadariyiin, Riig bay ka shaqeeyaan, Ceelal bay ka qodaan meelahaa tuulooyinka, Berbera ayay nala deggan yihiin, dabadeedna Berbera intay ka tageen ayay mid ka mid ah Dooxyada Sheekh seexdeen iyaga oo laba ah iyo laba Askari oo ilaalo u ahaa. Markaa, qolooyin socoto ah ayaa aragtay iyagoo dooxa hurda, dabadeedna markay magaalada Sheekh gaadheen u soo sheegay Maamulka degmada iyo Saldhigga Booliska Sheekh, markaa Taliyaha Saldhigga Sheekh ayaa u tegay, laba Askar ah oo Qadariyiinta la socday oo ilaalinayey ayay wadahadleen Taliyaha Saldhigga Sheekh iyo xubno la socday.”
“Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Saaxil, ayaa loo soo sheegay oo la yidhi niman caynkaas ah ayaa duleedka magaalada Hurda oo aannaan ka war-hayn imashadooda halkan (Sheekh), waxaanu markaa Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Saaxil yidhi; ‘iskaga kaalaya waa qolo Qadariyiin ah oo halkan Berbera nala deggan oo Berbera ka timide, laakiin wax dhibaato ah oo dhacday ama loo geystay haba-yaraatee ma jirto. Labada Askari ayuun bay wadahadleen Taliyaha Saldhigga oo canaantay oo yidhi; ‘Maxaad noo soo wargelin waydeen ama noogu sheegi weydeen inaad halkan joogtaan, hadday wax kale idinku dhacaan yaa ka masuul noqon lahaa, balse wax dhibaato ahi ma dhicin.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.
Fahmi oo ka jawaabayey su’aal ahayd in la sheegay in nimankaas ay Askarta Saldhigga Booliska Sheekh garaaceen, ka dibna ay u soo cawdeen Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland oo ay Hargeysa ku kulmeen iyo waxa uu kala socdo, waxa uu yidhi; “Xaqiiqdu waa sidaas aan kuu sheegay, warkaa Wasiirka iyo Taliyaha inay u cawdeen sheegaya ma hayo mana maqan, Wasiirka iyo Taliyuhu cidda u horraysa ee ay soo weydiiyaanna anigay noqon lahayd oo gobolkii dalwadda uga masuul ah, midkoodna Wasiirka iyo Taliyaha ima soo weydiin, qoladan Qadariyiinta laftooda Jaar baannu nahay oo Berbera ayay nala deggan yihiin waa niman aannu is-garanayno oo muddaba meesha degganaa way isoo gaadhsiin lahaayeen cabashadooda haddii dhib ay tirsadeen ama waxyeello loo geystay, markaa dhinacna warkaas aad i weydiisay igama soo gaadhin.”
“Waa Niman ka shaqeeya Hay’ad khayri ah oo Qadariyiin ah, magac kalo uma naqaanno ee Qadariyiinta ayuun baa la yidhaahdaa, waxay caawiyaan dadka deegaanka oo Tuulooyinka ayey Riigag ka qodaan, markaa waa niman khayri tabarucaad ah ka shaqeeya, maalintan ay Sheekh tageenna waa Salaasadii inna dhaaftay, dhibina ma gaadhin, mana jiro dad Ajaanib ah oo lagu dhibaateeyey Sheekh ama gobolka Saaxil, ama kuwan ha noqdaan ama kuwo kale.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo iiga jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey waxay tahay Hay’adda ay u shaqeeyaan nimankan reer Qadar iyo goorta ay Sheekh tageen-ba.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment