
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi; “Hooyadu waa aasaaska Mushtamaca, waa Tiir-dhexaadka ummadda, Hooyo markay innaga baxdo qof innagama bixin ee tiir-dhexaad baa innaga baxay, Hooyadu saamayn wayn bay ku leedahay Mushatamaca oo aan Aabbuhu ku lahayn, Carruurtu markay Hooyo waydo aad bay u tawdaa, waayo waa Macallin, aniga Hooyaday waxay dhimatay anigoo laba Jir ah, markaa Daryeelka Hooyadu waa muhiim.”
Sidoo kale, Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isaguna Munaasibaddaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Lama joojin karo Geerida oo Illaahay baa qoray, laakiin in la yareeyo waxa sababa Geerida xilliga dhalmada, ee Hooyada ummul-arooraysa, runtii waa muhiim, waana barnaamij aad qiimo badan u leh oo loo baahnaa.”
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa faahfaahiyey Barnaamijkan ay Wasaaraddiisu daah-furtay, waxaanu sheegay in Ummul-raaca ama Ummul-aroorku aad ugu badan yahay Somaliland marka loo eego dalalka Afrika, isla markaana iyagoo Wasaarad ahaan ka duulaya Siyaasadda Caafimaadka ee Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa ay sameeyeen Barnaamijkan oo ay u arkaan in lagu yarayn karo dhimashada Hooyada xilliga dhalmada ama ummushu.
“Waxaynu isugu nimi inaynu halkan ku daah-furno olole lagu dardargelinayo sidii loo yarayn lahaa dhimashada Hooyadu marka ay dhalayso, dhimasho lama joojin karo oo waa qoraal, laakiin waxa la yaraynayaa sababaha keena ummul-raaca. Waddankeennu waxa uu ka mid yahay meelaha ugu tirada badan ee Hooyooyinku ku dhintaan ummul-raaca, waxaan u malaynayaa hal waddan ama laba waddan baa innaga hooseeya, Boqolkii kun ee Hooyo ee ummula Kun iyo Afar iyo afartan baa dhinta. Wasaarad ahaan annaga oo ka duulayna siyaasadda Caafimaadka ee Madaxweynaha inaannu qabanno wax kasta oo lagu yaraynayo dhimashada Hooyada xilliga ummusha, waxaana jira Barnaamijiyo badan oo aannu wadno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil iyo Wakiillo ka socday Hay’ado caalami ah oo gacan ka geysanaya hirgelina Barnaamijkan, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay sheegeen dhammaantood in Barnaamijkan shalay ay Wasaaraddu daah-furtay yahay mid aad ugu muhiim ah koboca dhaqaale iyo nololeed ee Qoyska iyo Qaranka, sababta oo ah haddii Hooyo la badbaadiyo waxa la badbaadiyey Qoys iyo Qoysas Qaranka ka mid ah, maaddaama oo ay Hooyadu tahay Macallinka Bulshada iyo Wax-soosaarka taranta iyo tayada dadka.
Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa Munaasibaddaas ka hadashay, isla markaasna sheegtay qiimaha Hooyadu inuu yahay mid aan la qiyaasi karin oo uu ILLAAHAY (SMWT) Qur’aankiisa innoogu sheegay xaqa iyo qiimaha ay Hooyadu leedahay.
“Intifaaca ay Hooyadu leedahay waxaynu soo koobi karno maaha, halkan baa laga sheegay, markuu Wasiirka Qorshayntu ka hadlay ilmaa igu soo istaagtay, waayo Hooyadu waa unugga nolosha Bina-aadamku ka bilaabanto, qiimaha ay Hooyadu leedahayna Qur’aankaa Illaahay innoogu sheegay.” Sidaa ayey tidhi Marwada Koowaad ee Somaliland Aamina-Waris.
Waxaanay Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Marwada Madaxweynu si wada-jir ah u dhagax-dhigeen Xarun Caafimaad oo lagu keydin doono Dawooyinka oo ay dhismihiisa iska kaashan doonaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’ado caalami ah oo ka taageeraya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment