
Shaqaalaha Baarlamaanka, ayaa waxay waraaqaha mooshinka u qaybiyeen Xildhibaanada taageersan mooshinka, iyagoona loo sheegay in muddo shan cisho ah ay ku soo akhristaan.
Xildhibaanada mooshinka ka biyo diidan, ayaa waxay si xoog ah ay u qaadaceen mooshinkaasi, iyagoona jeex jeexay waraaqihii mooshinku ku qornaayeen, isla-markaana adeegsaday Xeelad kasta oo Mooshinkaas lagu hor istaagi karo.
Xildhibaanada labada garab u kala jabsan, ayaa kulanka kan xigga isagu iman doona shan cisho ka dib, waxana ay sii Amba qaadi doonaan Mooshinkan, waxana su’aali ka taagan tahay Sidii Moshinkaas loo dhaqangelin lahaa.
Suxufiyiinta, ayaa soo sheegeysa in kulankii maanta uu ahaa midkii ugu xasaasinaa ee ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, marka loo eeggo heerka ay marxaladu mareyso.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment