Waa Maxay Rejada ay Xukuumadda Somaliland ka filayso inay ka soo baxaan Shirka Caalamku u qabanayo taageerada Soomaaliya oo ay Somaliland-na qayb ka tahay?
Hargeysa, 20 November, 2014-(Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u soo jeedisay inay hesho madal lagu falanqeeyo nidaamka loo taageerayo qorshayaasheeda horumar, sida loo siiyey dhiggooda dalka Soomaaliya, isla markaana indhaha ku hayaan sida loo hirgeliyo gargaarka beesha caalamku u gaar-yeeshay horumarkeeda.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay indhaha ku hayaan nidaamka gaarka looga dhigay Somaliland ee qeybta ka ah qorshaha shirka Hiigsiga Cusub ee taageerada Soomaaliya, isla markaana rejeynayaan in la sii horumariyo.
Qoraalkan ka soo baxay Somaliland ee ku aaddan shirka taageerada Soomaaliya ee shalay ka furmay magaalada Copenhagen oo aan la ogeyn in laga akhriyi doono shirka dhexdiisa, ayaa beesha caalamka u soo jeedinaya inay taageeraan wada-xaajood u dhexeeya Soomaaliya, si xal kama danbays ah loogu gaadho xidhiidhkooda mustaqbalka. “Waxaan u aragna wada-xaajoodka qaar dhiirrigelinaya xasilloonida mustaqbalka, deggenaanshaha iyo iskaashiga aannu la wadaagno waddamadda Geeska Afrika.” Sidaa ayey Somaliland ku tidhi Qoraalka ay Beesha caalamka ee shirkaas ku kulansan u dirtay.
Waxaanu qoraalkaas oo sii socday intaas ku daray oo lagu yidhi; “Muhiimadda ugu dambaysa ee wada-xaajoodkani waa in labada waddan ku caddeeyaan xidhiidhkooda mustaqbalka, isla markaana qodobbada aan indhaha caalamka ku soo jeedinayno ee laga xaajoonayo waxa ku jira sida Somaliland uga qeybgeli karto kulammada caalamka ee khuseeya, marka dhinacyada kale laga yimaaddo Geeska Afrika, sida Soomaaliya uga qeybgasho.”
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay siday ugu qanacsan yihiin taageerada waddamadda Denmark iyo UK ku taageeraan Sanduuqa horumarinta, oo sidoo kale waddamadda Norway iyo Netherlands ku soo biireen, kuna dhiirrigelinayso in beesha caalamku taageeradooda horumarineed ee ku aaddan Somaliland soo mariyaan.
Ugu dambayn qoraalkan ayaa lagu sheegay inay ku taagnaan doonto horumarinta xasilloonida, dhismaha kaabayaasha bulshada iyo koboca dhaqaale ee Geeska Afrika. “Waxaan rumaysan nahay sii adkaynta nabadda, xasilloonida iyo horumarka Somaliland inuu muhiim u yahay shacabkeeda, gobolka iyo guud ahaan beesha caalamka.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment