
Nicholas Kay, ayaa sheegay in aanay jirin sabab uu raalli-gelin uga bixiyo eedeyn uu dhawaan u jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in Mudanayaasha qaarkood uu saameeyo khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaruhu, isla markaana ay Codkooda ku beddeshaan Lacag.
Hadalkaas oo ay Xildhibaannada qaarkood aad uga xumaadeen, isla markaana Danjire Kay ka dalbadeen inuu raalligelin ka bixiyo eedayntaas oo ay ku tilmaameen mid aanay geyin oo gef ku ah Baarlamaanka. Hase-yeeshee, wax jawaab ah uma celin Nicholas Kay Mudanayaashaas raalli-gelinta ka dalbaday.
Madaxa Xafiiska arrimaha Soomaaliya u qaabbilsan Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo BBC-du weydiisay inuu isagoo ka jawaabaya Dalabka Mudanayaasha hadalkiisa hore dhibsaday inuu raalligelin ka bixinayo eedayntaas Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ka xumaadeen, waxa uu sheegay inaanay jirin sabab uu u bixiyo raalli-gelintaas.
“Uma malaynayo inay jirto arrin mudan in raalli-gelin laga bixiyo, waayo warbixinta aan soo saaray waa mid muujinaysa walaaca aan ogahay inay ila wadaagayaan dad badan. Markaas, waxay ila tahay in hadda loo baahan yahay ay tahay in hay’adaha dawladda ay midoobaan si xal loogu helo is-mari-waaga taagan.” Sidaa ayuu yidhi Nicholas Kay oo ka jawaabayey su’aashaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment