Sunday, November 23, 2014

Kenya Oo Duqaymo Culus Kaga Jawaabtay Weerarkii Shalay Shabaabku Dalkeeda Ka Fuliyeen

Garnahaarray:Nov,23,2014(Himilo)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa dilkii shalay dalkeeda gudihiisa shabaabku ugu dileen 28-qof ee shacabka ah, waxa ay kaga jawaabtay duqaymo ay ka fulisay Gobolka Gedo ee Somalia, halkaas oo ay ku tuhunsan tahay Kooxihii Dilkaas ka dambeeyey.

dugoKhasaaraha ka dhashay Duqaynta oo ka dhacday deegaamada Ceelcad iyo Qudhac weyne ayaa lagu sheegay dhimashada wiil iyo gabadh la joogay xoolo, sidoo kale waxay baabisay Xoolo sida uu warbaahinta u sheegay mid kamida dadka deegaanka oo lagu magacabo Xaaji Maxamuud Cali.

Xaaji Maxamuud waxa uu sheegay in duqaynta ku bilaamatay maalintii shalay xili duhurnimo ah saamaynta ugu xoogana ay soo gaadhay dadka xoola dhaqatada ee deegamadaas ku nool oo xoolo badan ugu baaba’een, Wuxuu hadalkiisa ku daray in isla markiiba dadku sameeyeen barakac ay uga dhaqaaqeen deegaankooda.

Dowladda Kenya ayaa duqaymo ka geysta deegaamada xadka Soomaaliya iyo Kenya ku dhow oo ay kaga shakisan yihiin kooxda Al-shabaab, Kenya weeraradan oo kale waxay inta badan qaadaa xiliga ay kooxda Al-shabaab weerar ku qado Kenya.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerar ay ku dhinteen dad gaadhaya 28-qof, oo dhamaantood haystay Diinta Kiristaanka, kuwaas oo saarnaa Bas u safrayey Magaalada Nairobi, kana yimi dhinaca Mandheera.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment