
Qoraal uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh ka akhriyey Shirkiisaas Jaraa’id waxa uu ku yidhi sidan:- “1. 25.10.2014 waxaan soo saaray isku-shaandhayn kooban ee xubnaha golaha wasiirrada: Isku shaandheyntu waxay ku salaysanayd awoodaha uu dastuurku isiinayo kuna xusan qodobka 100-aad xarfahiisa (a) iyo (b). Isku-shaandhayntaas waxaana loola jeeday:
(a). In la dar-dar geliyo howlqabadka Golaha Wasiirrada; gaar ahaan waxaan ula jeeday xal-u-helidda khilaaf soo kala dhexgalay hay’adda garsooka iyo wasaaradda caddaaladda iyo dhaliilo ka jiray Wasaaradaha maaliyadda iyo tan arrimaha dibadda.
(b). Isla 25.10.2014, nasiib-darro, war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya laga soo saaray, ayaa lagu sheegay in go’aankii Ra’iisul-wasaaraha aanay waxba ka jirin, wuxuuna Madaxweynuhu amray Wasiirradii ay khuseysay isku-shaandhayntaas inaanay u hoggaan-samin amarkaas. Warka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha wuxuu ka hor-imaanayaa dastuurka dalka qodobkiisa aan kor kusoo xusay iyo kala madax-banaanaashaha hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
- Intaa waxaa raacday in Madaxtooyada Soomaaliya laga soo abaabuliyay mooshin sharci-darra ah oo ka dhan ah xukuumadda. Mooshinkaas oo aan xiriir la lahayn dhaliilo loosoo jeedinayo waxqabadka xukuumadda, laakiin sallkeedu yahay wasiir la saaxiib ah madaxweynaha oo wasaarad kale loo wareejiyay.
- Mooshinkaas oo Xildhibaanno badan iyo bulsho-weyn Soomaaliyeed ay u aqoonsan yihiin inuu sharci-darro yahay loona adeegsaday musuqmaasuq; wuxuu keenay kala qaybsanaan ballaaran ee golaha iyo hay’adaha kale ee dalka, waqti ay muhiim tahay midnimada hoggaankeena, hayadaheenna iyo dadweynaheennaba.
- Mososhinkaan sharci-darada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socoka higsiga sannadka 2016-ka. 5. Labo jeer oo hore ayaa mooshinka, si aan waafaqsanayn hab-raaca sharci ee baarlamaanka loogu bandhigay baarlamaanka; balse, xildhibaannadu si cad ayay u diideen in mooshinkaas halista gelinaya midnamdeena dalka iyo jiritaanka hay’adaheenna la hor-geeyo golaha.
Xildhibaannadu waxay si aan kala go’ lahayn ugu soo jeedinayeen Madaxweynaha iyo shakhsiyaadka kale ee ka shaqaynaya mooshinka in danta dadka ay eegaan kana joogsadaan hawlaha socda ee dalkeenna u horseedi kara dib u dhac iyo burbur. Mana jirto wax laga maqlay Xildhibaannadaas. Baaqyo la mid ah oo kasoo baxayay dadweynaha iyo ummadaha daneeya Somalia ayaa iyagana dhegaha lagu fureystay.
- Maanta (shalay) 24.11.2014, waxaa dhacay isku-day kale oo la doonayay in la dhinac-maro xeerka u deggen golaha shacabka. Waxaan bogaadinayaa xubnaha golaha oo ka hor-tagay isku daygaas xaq-darraada ah. Waxaana ka xumahay dad mas’uuliyaddii lagu aamainay u isticmaalaya dano gaar ah.
- Waxaan ammaanyaa dedaalladii guddoonka Golaha Shacabka ee ahaa in khilaafka lagu xaliyo wadahadal si loo badabaadiyo midnimada gollaha. Taas oo anigu mar walba aan diyaar u ahay, hase yeeshee ka hirgeli wayday dhinaca Madaxweynaha.
- Waxaan soo dhaweynaynaa tilmaantii Shir-guddoonka Baarlamaanka oo ahaa in mooshinkaan sharci-darada ah uu caqabad ku yahay hawlihii sharci-dejinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda ee ay isku afgarteen golaha fulinta iyo golaha shacabka muhiimna u ahaa higsiga sannadka 2016-ka.
- Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa goa’aanka guddonka oo mar walba u taagan in arrintaan lagu xaliyo wadahadal iyo isafgard ka baxsan mooshin kala qaybinaya golaha.”
Geesta kale, Xildhibaannada Mooshin-diidka ah ee ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee taageersan Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh, ayaa fadhi Isniintii shalay Baarlamaanku u ballansanaa in Mooshinkaas lagu horkeeno maalintii saddexaad khalkhaliyey, isla markaana ku bilaabay Qaylo, Buuq iyo Heeso suuragal ka dhigi waayey in fadhigaasi caadi u furmo, isla markaana waxay Jeexjeexeen Buugga diiwaangelinta Golaha iyo Nuqul ka mid ah Mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa codka kalsoonida ka waayey Golaha Xukuumaddiisa, ka dib markii toddobaadyadii la soo dhaafay Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumaddiisa uu isagu magacaabay markii Raysal-wasaaraha laga dhigay u gudbiyeen Qoraallo ay kaga dalbanayaan inuu is-casilo, maaddaama oo khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynuhu dhibaateeyey habsami-u-socodka Hawlaha Xukuuumadda iyo guud ahaan Xafiisyada dawladda federaalka Soomaaliya, balse waxa uu ku tilmaamay arrin aan Wasiirrada u oollin, isagoo ku amray Wasiirradu inay ku ekaadaan Xafiisyada Wasaaradohooda iyo shaqada ay dawladda ugu xil-saaran yihiin
No comments:
Post a Comment