
Haseyeeshee, waxa hadalka Cali Khaliif waxba kama jiraan ku tilmaamay safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig. Gen Berhe Tesfaye oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey jiritaanka is-fahamka Cali Khaliif sheegay inay wada-gaadheen dawladda Federaalka Itoobiya.
Mr Tesfaye oo ka jawaabayey su’aal Wargeyska Himilo ka weydiiyey arrintan, ayaa sheegay inaanay jirin mansab dawladdiisu aqoonsan tahay oo Cali Khaliif kalsooni kaga haysto dawladda Itoobiya, waxaanu yidhi, “Uma arko nin aanu qorshe ka leenahay inuu yahay, mana jirto masuuliyad aan u aqoonsan nahay inuu hayo. Xaqiiqdiina, ma jirto isfaham iyo martiqaad dhexmari kara Itoobiya.”
Prof Cali Khaliif oo warbaahinta dhowaan la hadlay, waxa uu hadalkiisaas ku sheegay oo ku yidhi, “Khilaafkii noo dhexeeyey xukuumadda Itoobiya wuu dhamaaday oo raaligelin ayey iga siiyeen saraakiil laygu soo diray Nayroobi. Wakhtigan martiqaad rasmi ah ayaan ka haystaa aan ku tegi doono markaan ka soo laabto Maraykanka.”
Prof Cali Khaliif oo dhaq-dhaqaaqyo nabad-gelyo-darro ah ka wada deegaamada Bariga Somaliland meelo ka mid ah isla markaana dhinaca xuduudka Itoobiya u baxsaday ka dib markii uu ka baxday hawl-gal ciidamada Qaranku ka fuliyeen magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool oo ku taala Xuduudka Itoobiya iyo Somaliland dhowr bilood ka hor, halkaas oo uu ka soo abaabulo dhaq-dhaqaaq malleeshiyada kooxdiisu ka fuliyaan gudaha xuduudka Somaliland, taas oo sababtay in xukuumadda Somaliland dacwad uga gudbiso Dawladda Federaalka ee Itoobiya oo qaadatay go’aanka ay dalkeeda kaga mastaafurisay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment