Thursday, November 20, 2014

Wasiirka Ciyaaraha oo Shahaadooyin Aqoonsi Guddoonsiiyey 20-kooxood Oo Kubbadda Cagta u soo baxay Heerarka 2-aad Iyo 3-aad

Hargeysa, 20 Nov, 2014-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Reygal, ayaa shahaadooyin Aqoonsiyeedyo ah guddoonsiiyey 20 kooxood oo heerarka labaad iyo saddexaad oo Kubbadda Cagta u soo gudbay, kuwaasoo ku guuleystay inay noqdaan kooxaha heerka labaad iyo saddexaad ee Caasimadda, ka dib markii lagu kala saaray tartan ay ka soo qeyb-galeen Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, kaasoo uu qabtay xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland.
kooxaha ciyaaraha ee shahaadooyinka la siiyeyshahoodo siinta kooxaha ciyaarahaMunaasibadda Aqoonsiyadaa lagu guddoonsiiyey 20 kan kooxood oo lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayey ka soo qeyb-galeen Wasiirka ka sokow, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan,. Wasiir Ku-Xigeenka Macdanta iyo Tamarta Cabdisalaan Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye), Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, Agaasimaha Dallada Dhallinyaradda SONYO Siciid Maxamed Axmed, Maxamed Axmed Cabdi (Darbo) oo ka socday Shirkadda Telesom, Guddoomiyaha xidhiidhka Kubbadda Cagta Cabdillaahi Kheyre Cawaale (Gacal), Xoghayaha xidhiidhka Kubbadda Cagta Sacad Maxamed Shire, Marti-sharaf iyo kooxihii ka qeyb-galay tartankaas ee ku kala guuleystay u soo bixidda heerka labaad iyo saddexaad.
Xoghayaha xidhiidhka Kubbadda Cagta Sacad Maxamed Shire oo furitaankii xafladdaas ka hadlay, ayaa ka war-bixiyay sidii ay ugu hir-geshay hawshan kala saaridda kooxahan oo ahaa kooxaha ugu badan kuwa Kubbadda cagta Caasimadda Hargeysa ka jira, waxaanu xusay inay kooxaha ku kala saareen shuruudo ay ku xidheen, kuwaasoo ay kala shaqeeyeen Guddiyo dhanka Ciyaaraha ah oo Degmooyinka ka socday, waxaanu u mahad-celiyey Wasaaradda Ciyaaraha, Dalladda SONYO iyo Hay’adda Mercy Corps oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen qabsoomidda hawshan, isagoo hambalyeeyey kooxaha guulaystay iyo kuwa laga guulaystay oo uu u rejeeyey inay halkan oo kale soo gaadhaan.
Guddoomiyaha Dallada SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa Ciidanka Booliska iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay tartankii ay u qabteen kooxahan, iyagoo dhalinyaradan heerarka labaad iyo saddexaad u soo gudbtay hambalyo u diray.
Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xuseen (Dhabeeye) iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux, ayaa u mahad-celiyey, Dallada Soonyo, Xidhiidhak Ciyaaraha ee Wasaaradda, Ciidanka Ammaanka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Hay’adaha kale ee ka qayb-qaatay tartankan. Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Masuuliyiin kala duwan oo dawladda iyo Hay’adaha caalamiga, waddaniga iyo Shirkadaha Ganacsi ka socday oo tallaabadan Wasaaradda iyo SONYO qaadeen soo dhaweeyey.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa hadal ka jeediyey Munaasibaddaas, waxaanu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in tartankii sida quruxda badan innoogu bilaabmay uu maanta si qurux badan oo nabad ah uu innoogu qabsoomay oo aynu maanta (shalay) shahaadooyin aynu ku aqoonsanayno heerarkooda guddoonsiinno, kooxaha heerka labaad iyo saddexaad waxay ahaayeen kooxaha ugu tirada badan oo runtii ka Wasaarad ahaan aannu ku dawakhnay marka maalin walba koox kastaa ay sheegato heerka ay doonto.”
“Laakiin, maanta laga bilaabo taasi waynu ka baxaynaa oo waxaad tihiin kooxo la aqoonsan yahay oo Wasaaradda iyo xidhiidhkuba ay aqoonsan yihiin, waxaan talaabadan aan aad iyo aad uga mahad-naqaya kuna hambalyeynayaa xidhiidhka kubadda cagta iyo cidkasta oo kala shaqaysay, waxaana ay maanta ii tahay maalin aan dareemayo farxad saa’id ah maadaama aanu so af-jarnay hawl aad noogu cuslayd, waxaana aan idin leeyahay kooxihiinan guuleystay hambalyo, hambalyo.” Sidaa ayuu yidih Wasiirka Ciyaara Cali Siciid Raygal oo 20-ka kooxood ee heerka labaad iyo saddexaad ee Kubbadda Cagta u soo gudbay guddoonsiinay Aqoonsiyada.
Sidoo kale, Wasiir Cali Siciid Reygal waxa uu shahaado sharafyo guddoonsiiyay Dallada SONYO, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyeyaashi degmooyinka oo dhammaantood gacan ka geystay tartanka lagu kala saarayay kooxaha heerka labaad iyo saddexaad ee Kubbadda Cagta oo uu Wasiirku xusay inaanay dhinacyadaas la’aantood kelidood wax badani u qabsoomeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment