Monday, November 24, 2014

Xukuumadda Oo Tv-yada Madaxa Bannaan Ku Wargelisay Inay Muddo Kooban Kusoo Bixiyaan Cashuurta Ku Waajibtay

Hargeysa:Nov,24,2014(Himilo)-Masuuliyiinta Wasaaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa soo saaray waraaqo wargelin ah oo Masuuliyiinta TV-yada Madaxa Bannaan ee somalilland ka Hawlgala loogu sheegayo inay iska soo bixiyaan Cashuurta qaranku waajibka ugu leeyahay.

hcAmarka Masuuliyiinta Maaliyaddu ku Doonayaan, ayaa lagu socodsiiyay Maamuleyaasha Telefishanada Madaxabanaan ee dalka, iyadoo lala socodsiiyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirka Warfaafinta.

Waraaqdan ayaa loogu sheegay masuuliyiinta TV-yada Madaxa Bannaan ee Somaliland ka Hawlgala inay muddo Kooban oo laba Toddobaad lagu sheegay iskaga soo Bixiyaan Lacagaha ku Ku Waajibay, taas oo Noqon doonta mid joogto ah oo sanad walba la qaado.

Warbaahinta Madaxabanaan ayaa Bayaan ay Shalay soo saartay kaga bixisay Jawaab Sharci qodobada Wasiir Cukuse ku xakamaynayo Warbaahinta islamarkaana ganafka ku dhufatay Qodobadaasi, iyagoo sheegay inaanu lahayn awoodahaas islamarkaana Dastuurka iyo Xeerarka Saxaafadda iyo kuwa xuquuqal Iinsaankuba madaxbaneeyeen Warbaahinta.

Caqabada ugu weyn ee Warbaahinta Somaliland ayaa inta badan lagu sheegaa inay tahay Dhaqaale Xumo, iyadoo arintaasi lagu soo bandhigay kulamo badan iyo daraasado la sameeyay. Sidoo kalena Mulkiilaha Telefishanka Horn Cabletv, ayaa maalmo sii horaysay sheegay in Warbaahintu dirqi ku wado hawlaha ay bulshada iyo dalkaba u hayso. Waxa uu sheegay in Telefishanka Qaranka iyo guud ahaan Wasaaradda Warfaafinta Lacagta ku baxdaa ka badan tahay dhawr wasaaradood Miisaaniyadooda balse Warbaahinta kale aanay haysan cid taageero dhaqaale u fidisa.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment