
“Waxa hubaal ah in sidii aynu shalay jidkan u bilownay u dhamaystiri doono Insha Allahu, hadii aynu Caqliga, Cilmiga iyo Cuudkaba meel isugu gayno isla markaana aamino in aynu biyaha sacabadeena oo kaliya kaga dhargi karno.” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Waxaanu intaas ku ladhay oo yidhi; “Bilowga jidka isku xidhi doonaa Balli-gubadle iyo Hargeysa wuxuu muhiimad weyn uugu fadhiya qaranka Somaliland iyo dadkiisaba waana degmo xasuus iyo taariikh badan ku leh dalkan, ka xukuumad ahaana taageero buuxda ayaanu ka gaysan doonaa Insha Allaah.”
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa kula dardaarmay shaqsi kastoo hankiisu yahay hoggaaminta dalka iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka inay ballan-qaad wax-qabad qorshaysan ku hantaan quluubta dadka, balse aanay qeylo-dhaan iyo kicin qabyaaladeed u adeegsan.
“Waxaan kula dardaarmi lahaa Cid walba oo qarankan xil ka rabta ama doonaysa in ay xasuus xiiso badan quluubta dadka ku reebto; ‘Ninkii u Han-weyn Hoggaanka Dalkoow, Hankaagu ha Dhaafo Reer Hebel!’ Odhaahdii Abwaan Xassan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment