Sunday, November 23, 2014

Ku-dhawaaqista Go’aanka Guurtida ee Khilaafka Wakiillada, Dareenka labada Dhinac iyo Qaabbilaaddii Madaxweynaha ee shalay

“Anigoo aan ka garnaqsan wax igu daw ah iyo waxaan igu daw ahayn, wax sharci ah iyo waxaan sharci ahayn, maaddaama aan kalsooni siiyay Guddiga Xeer-beegtida Golaha Guurtida, danta guud awgeed..” Guddoomiye Cirro
“Wixii Xeer ah iyo waxaan Xeer aan ahaynba Xeer-beegti ayaa dhexdhexaadinta gashay oo waa Maslaxad uun ee Guurtidu Sharcigii may marin...” Guddoomiye Ku-xigeen Baashe

Hargeysa, 23 Nov, 2014 (Himilo)- Guddi Golaha Guurtidu u xil-saaray dhex-dhexaadinta Khilaaf Golaha Wakiillada ka soo laba-kacleeyey Sabtidii toddobaadkii hore, ayaa shalay Sabtidii soo saaray go’aamo ay sheegeen inay ku soo afjarayaan Khilaafkaas, isla markaana gaadheen markii ay dhagaysteen dacwadda iyo doodda labada dhinac ee Wakiillada Khilaafku u qaybiyey ee Mucaaradka iyo Muxaafidka.
guurtida iyo wakiilladaKulan ay Xildhibaanadda labada Gole baarlamaan (Wakiillada iyo Guurtida) Somaliland shalay isugu yimaaddeen xarunta Guurtida ee magaalada Hargeysa, ayaa Shir-guddoonka Guurtidu ku shaaciyey go’aamada ay ka gaadheen Khilaafkaas, waxaana go’aammadaas sheegay inay aqbaleen Hoggaamiyeyaasha labada Garab ee Muxaafidka iyo Mucaaradka Golaha Wakiillada oo kala ah Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiye Ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax oo dhinaca Mudanayaasha Muxaafidka hoggaaminayey.
Go’aankii Golaha Guurtidu ka soo saartay khilaafkaasi ayaa u qornaa sidan:- “Gudddigii Golaha Guurtidu u xilsaaray dhex-dhexaadinta khilaafkii Golaha Wakiillada JSL ee Maalintii 15/10/2014, kuna saabsanaa mooshinkii xil-ka qaadista Guddoomiyah Golaha, ayay Guddigu fadhigoodii ugu horreeyay ku samaysteen Ajandahoodii, waxayna labaddii dhinac ku wargeliyeen ciddii u meteli lahayd dooddooda wada-hadalka, iyaga soo raacinaya warqadihii kalsooni-bixinta.
Intaas ka dib waxay Guddigu kulammo kala gaar gaar ah la yeesheen labadii dhinac, kagana dhegaysteen dacwadahoodii af iyo qoraal-ba. Hadaba, Guddigii Golaha Guurtidu u xilsaaray dhex-dhexaadinta khilaafkii Golaha Wakiilladu; Markii ay dhegaysteen dacwadaha dhicanyada khilaafku ka taagnaa; Markii ay arkeen, akhristeena qoraalladii kala duwanaa ee dhinacyadu u soo kala gudbiyeen;
Markii ay darseen, lafa-gureen qoraalladii ay is waydaarsadeen labada Guddoomiye (Guurtida & Wakiilladu), kuna saabsanaa mashruuca Xeer No:- 37/2007 ee wax-ka-beddelka iyo kaabista diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muwaaddiniinta; Markii ay Guddigu yeesheen falanqayn iyo dood dheer waxa u sugnaaday, yaqiinna noqday Arrimahan:-
B. In Msharuuca Xeer No: 37/2007, ee wax-ka-beddelka iyo kaabista diiwaangelinta cod-bixiyayyaasha iyo Muwaaddiniinta la geliyay khaladaad iyo laaxin qodobbada qaarkood markii loo soo gudbinayay Golaha Guurtida ee Codayntii Golaha Wakiillada ka dib. T. Curyaamin ku timad habsami-u-socodkii hawlaha Golaha oo ay ahayd in la ansixiyo Xubnihii Loo soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Ansixinta Miisaaniyadda 2015 IWM.
J. Waxa caddaatay in khilaafkaasi u dhaliyay khal-khal siyaasadeed, Nabad-galyo iyo jahawareer saameeyay Bulashada Reer Somaliland Gudo iyo Debadba, horseedayna degganansho la`aan iyo xasilooni-darro. Sidaasi darteedna, Guddigu iyago xeeriyay, tix-galiyay maslaxadda guud ee Qaranka ee Siyaasadeed, Nabad-galyo, dhaqaale, horumarin bulsho, geedi-socodka hannaanka dimuquraadiyadda, hiigsiga Mustaqbalka fog ee reer Somalilamd, Midnimada iyo wada-jirka Shacabka;
Waxay go’aamiyeen qoddobaddan:
Waxa la-laalay mooshinkii xil ka qaadista Guddoomiyah Golaha Wakiillada, wadeenna dhinicii uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Goluhu. Loomana soo jeedin karo mooshin ku saabsan xil ka qaadis, illaa inta ka horraysa waqtiga uu Xeerku u cayimay xil ka tegista musharaxa u tartamaya xilka Madaxwayne.
Khaladadkii ku dhacay mashruucii Xeer ee wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeer No 37/2007, kuna saabsanaa diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha iyo Muwaaddiniinta, Mas`uuliyaddeeda u leeyahay Guddoomiyah Golaha Wakiilladu, maaddaama oo uu yahay mas`uulka ugu sarreeya Maamulka Golaha, leeyahayna saxeexa gudbinta Xeerarka IWM.
Waxa khalad ahayd baajintii ku timid kal-fadhigii aan caadiga ahayn ee 26/10/2014, looguna tala-galay ansixintii xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Miisaaniyadda 2015 IWM. Waxaa waajib ku ah Guddoomiyah Golaha Wakiillada inuu Xildhibaannada Golaha ku maamulo, kuna hoggaamiyo dhex-dhexaadnimo, isla markaasina uu meel-mariyo oo keliya Go`aammada uu Goluhu Aqalbiyadda ku ansixiyo.
Xeerarka ka gudbaya Golaha Wakiillada, ansixinta Mudanayaasha ka-dib, waa in Shir-guddoonku iska hubiya Gudbinta ka hor. Xubnaha Golaha Wakiilladdu, waa in ay wajibaadkooda si hagar la`aan ah u gutaan, dhammaanbana hawlaha muhiimka ee horyaalla u socodsiiyaan si habsami ah oo xilkasnimo ku jirto.
Iyadoo la- tix-galinayo, lagana taxadirayo sii jiitan iyo khilaaf dambe oo sabab u noqda dib-u dhac ku yimaada doorashooyinka, waxa Golaha Guurtidda loo xilsaaray inuu xal-ahaan u saxo khaladaadkii mashruuca xeer ku dhacay, isla- markaana ka guto waajibaadkiisa dastuuriga ah. (Mashruucii xeer No 37/2007,ee wax-ka- beddelka iyo kaabista xeerkii diiwaangalinta cod-bixiyaasha iyo muwaadinninta ).
Xukuumadda wax xil-ka saaranyahay dhawrista xisaanadda Mudanayaasha, Mudanayashana waxa waajib ku ah in aanay sharciga gacanta ku qaadan, falagaraansahana ka fogaadaan, isla markaasina aanay bulshada u horseedin khal-khal iyo deggaansho la`aan. Illaa inta laga gaadhayo waqtiga xeerku u jideeyay ololaha tartanka doorashooyinka, waxa ka reeban xisbiyadda Qaranka, wax u muuqan karaya olole iyo abbaabul dad-wayne, ahna shacaa`ir kasta oo muujiniya kaanbayn doorasho (Election Campaign ).
Ugu dambayntii, waxaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada JSL ugu baaqaynaa in ay si xil-kasnimo iyo muddakarnimo ku jirto u gutaan mas`uuliyadda ay ummadda u hayaan, haybadda Golahahoodana ilaalilayaan. Waxaan dhammaanba u rejaynaynaa Mudanayaasha Guul iyo in loo midoobo danta iyo maslaxadda Shacbiga reer Somaliland.” Sidaa ayay Guurtidu ku yidhaahdeen Qoraalkooda qodobbada natiijada ah ee ay ka soo saareen khilaafka ka dhexeeyey Golaha Wakiillada Somaliland.
Waxaana go’aammadan soo dhaweeyey Shir-guddoonka labada dhinac ee Khilaafka kala hoggaaminayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, waxaanay sheegeen inay soo dhaweeyeen oo ay aqbaleen go’aammada Guurtida.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa sheegay dhiniciisa inuu aqbalay go'aanka Guurtida, isagoo sheegay in danta guud kala weyn tahay dantiisa gaarka ah iyo kursiga uu fadhiyo, isla markaana uu sidooda u qaatay una aqbalay go’aammada Guddiga Guurtidu ku xallisay khilaafka Wakiillada uu hoggaamiyo u dhexeeyey.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo hoggaaminayey Garabka Muxaafidka ee Wakiillada, ayaa sidoo kale dhiniciisa sheegay inuu aqbalay Natiijada Guurtida, inkasta oo uu ku dooday inaanay sharciga marin Golaha Guurtidu marka loo eego go’aammada ay soo saareen oo ay dhinac u badan yihiin sida uu xusay, haddana waxa uu caddeeyey inay Muxaafid ahaan aqbaleen go’aammadaas.
“Somaliland waa dalkaygii, Shacbiga reer Somaliland waa shacbigeygii, waxaan ahay u adeege u daacada dalkiisa iyo dadkiisa, Xilalka iyo danaha gaarka ah waxa igala weyn Qarannimada Somaliland. Dhammaan Mudanyaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Mucaarad iyo Muxaafid waa Mudanayaashaydii.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliand ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sii watay hadalkiisa oo uu qoraal kooban ka akhriyey, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “La-dagaallanka Qabyaaladdu waa sababta ugu weyn ee loo abuuray Xisbiga WADDANI. Arrinta maanta (shalay) iyo Guurtida waxaan ka taagnahay halkii Xaaji Faarax Suusle ee uu sameeyey waxaan hore uga dhicin Somaliland iyo dadka Af-Somaaliga ku hadla oo ahaa in nabadda awgeed KABAHA ILKAHA LAGU QAADO. Anigoo aan ka garnaqsan wax igu daw ah iyo waxaan igu daw ahayn, wax sharci ah iyo waxaan sharci ahayn, maaddaama aan kalsooni siiyay Guddiga Xeer-beegtida Golaha Guurtida, danta guud awgeed waan aqbalay go’aanka Golaha Guurtida.”
Sidooo kale, Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo ah hor-joogaha Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Wakiillada, ayaa sheegay inkasta oo aanay Guurtidu hannaan sharci marin dhex-dhexaadintooda iyo go’aammada ay soo saareen in haddana uu aqbalayo go’aammadooda, waxaanu yidhi; “Wax walba waxaannu ka horraysiinaynaa danta Qaranka, iyadaa ka wayn wax kasta oo jira, sidaa Guddoomiyuhu sheegayna wixii Xeer ah iyo waxaan Xeer aan ahaynba Xeer-beegti ayaa dhexdhexaadinta gashay oo waa Maslaxad uun ee Guurtidu Sharcigii may marin. Laakiin, wax kasta oo ay tahay sidaas ayaannu ku aqbalnay.”
Intaas ka dib waxay shir-guddoonkii Golaha Wakiillada, Guurtidda iyo Guddiddii loo xil saaray khilaafku waxa Xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuwaasoo dhinacyaddii is hayey halkaasi khilaafkooddii ku soo afjaray.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment