
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo shalay ka qayb-gashay lagu kulan lagu xusayey maalinta Ka-hortagga Tacaddiyada loo geysto Haweenka oo magaalada Hargeysa lagu qabtay, ayaa sheegtay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii loo dabar-goyn lahaa tacaddiyada haweenka loo geysto, waxaanay halkaas kaga dhawaaqay muddo 16 maalmood ah oo ku dhammaanaysa Xuska maalinta Xuquuqda Adduunka ee 10-la December, taas oo loogu ololaynayo sidii loo dabar-jari lahaa Xad-gudubyada haweenku kala kulmaan bulshada.
“Waxaynu maanta (shalay) halkan u fadhinaa inay ku dhawaaqno 16 cisho oo loogu talo-galay Ka-hortagga tacaddiiyada ka dhanka ah Xuquuqda Haweenka oo ku dhammaan doona Bisha December 10-keeda oo ku beegan maalinta Xuquuqal-Iinsaanka Adduunka, waayo barnaamijyada Xuquuqal-iinsaanka oo dhami waa qaar laga soo dheegay sharciga xuquuqal-iinsaanka ee adduunka, ayuu kanina yahay mid lagu xoojinayo,” sidaas ayay tidhi Marwo Shukri Xariir.
Iyada oo hadalkeeda sii wadatay, waxa ay tidhi, “Sidaa awgeed, ayay xukuumaddu ka soo saartay shuruuc tiro badan, waxaana la hirgelin doonaa sharciga dastuuriga ah ee ciqaabta ka-hortagga iyo qawaaniinta lagu xakamaynayo kufsiga loo geystay haweenka. In la horumariyo xuquuqaadka aasaasiga ah ee bulshada si loo gaadho bulsho taabbo-qabta.”
“Haddaba, waxaanu baaq dheer ku soo jeedinaynaa in xukuumadda ay ka go’an tahay in la suuliyo dhammaanba tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo guud ahaanba arrimaha waxyeellaynaya xuquuqaatka aasaasiga ah ee bani’aadmiga,” Sidaas ayay tidhi Wasiirku.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha bulshadu waxa ay beesha Caalamka u ballan-qaadday inay xukuumad ahaan dedaal dheeraad ah u galayaan ilaalinta Xuquuqda Haweenka, waxaanay tidhi, “Beesha Caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa in haweenka guud ahaanba la ilaaliyo xuquuqaadkooda, annaguna xukuumad ahaan waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu kor u qaadno tayada iyo wax-qabadka haweenka Somaliland.”
Baaqa Xukuumaddu u jeedisay Beesha Caalamka, ayaa ah mid ka horimanaya isla markaana burinaya qaabka ay Somaliland uga hawl-gasho ilaalinta xuquuqda Haweenka, gaar ahaan Kufsiga oo noqday tacaddiyada ugu waaweyn ee haweenku kala kulmaan bulshada, iyada oo ay jiraan gol-daloolooyin dhinaca shuruucda iyo caado-dhaqameedka ah oo fashiliya ciqaab kasta oo lagu abaal-marin lahaa dadka tacaddiyada u geysta haweenka..
No comments:
Post a Comment