Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in gaadhigan oo lagu siday quraarado ay ku jireen dhiigga dad looga shakiyey xannuunka Ebola oo laga soo qaaday degmada Kankan ee badhtamaha dalka Guinea lagu waday xarun shaybaadh ku taala magaalada Gueckedou ee bariga dalkaas.

Saraakiisha caafimaadka ayaa Kooxaha tallaabadan ku kacay ugu baaqay inay iska soo celiyaan isla markaana ka feejignaadaan khatarta dhiiggaasi leeyahay, iyaga oo Idaacadda dalkaas oo ay kala hadleen ugu baaqay inay ka digtoonaadaan isla markaana aanay noloshooda khatar ku galin dhiigga ay qaateen.
Dhaca loo geystay dhiigga shaybaadhka loo waday, ayaa cabsi hor leh ka dhalisay waddankaas, iyada oo laga cabsi qabo inay kooxahani u adeegsadaan dhiiggaa sii fidinta cudurka Ebola ee gudaha waddanka Guinea oo ah dalka labaad ee tirada ugu badan ugu geeriyootay cudurkan marka laga yimaaddo waddanka Liberia oo ah dalka ugu tirada ugu badani kaga geeriyooday.
Xanuunka Ebola, ayaa fara-baas ku haya saddexda waddan Liberia, Sierra Leone iyo Guinea oo ku yaala Galbeedka Qaaradda Afrika, waxaana tirakoobka laga sameeyey saddexdaas waddan xannuunkan ugu geeriyooday in ka badan Shan Kun oo qof. Xannuunkan, ayaa lagu kala qaadaa taabashada dhiig ama dheecaan qof xanuunku hayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment