Gabiley, 20 Nov, 2014-(Himilo)- Shaqaalaha Nadaafadda ee dhulka xaadha ee dawladda hoose ee magaalada Gabiley, ayaa Arbacadii shalay bannaan-bax kooban oo cabasho ah ka muujiyey Mushaharkooda ay qaadan jireen oo aanay helin muddo labadii bilood ee u dambeeyey ah sida ay sheegeen Shaqaalaha Cabashada la hortagay xarunta dawladda hoose.

Sidoo kale, waxay shaqaalahani sheegeen inay Masuuliyiinta dawladda hoose ee Gabiley u gudbiyeen Cabashadooda, isla markaana aanay illaa hadda waxba ka qaban ee kolba loo ballan-qaadayo in loo dhammaynayo Lacagtooda, markii ugu dambaysayna loo sheegay in labada bilood ee ay leeyihiin mushaharkooda midkood in la siin doonto wakhti aan loo cayimin sida ay sheegeen, ta kalana sidoo kale, culays badanna uu ku yahay maqnaanshaha mushaharkooda.
Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka degmada Gabiley, ayaa sheegay inay ka xun yihiin, iyagoo ayaan-darro ku tilmaamay in Shaqaalaha qaybta Nadaafadda dawladda hoose ee magaaladaasi shalay cabasho mushahar la’aan ah la hor yimaaddaan xarunta dawladda Hoose, waxaanay arrintan ku tilmaameen musuqmaasuq iyo maamul-xumo hadhaysay dawladda hoose ee Gabiley, iyagoo si gaar ah u eedeeyey Maayerka iyo Xoghayaha Fulinta ee dawladda hoose, sida ay hadalka u dhigeen.
“Miyaanay ayaan-darro ahayn markay maanta Shaqaalihii Nadaafadda dawladda hoose inay musharkoodii la yihiin, annagoo 20%-kiiba aannu Miisaaniyadda ugu kordhinnay shaqaalaha Daryeelka Nadaafadda dawladda hoose sannadkan 2014-ka oo aanay weli korodhsiimadaas arag Shaqaaluhu, waxaan leeyahay sida Maayerka loo doortay ayaannu Miisaaniyaddana haddaannu nahay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gabiley aannu u ansixinnay, waana ayaan-darro inay Shaqaalaha Nadaafaddu maanta bilo waayaan Mushaharkooda ay shaqaysteen.” Sidaa ayey yidhaahdeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo Horn Cable TV wax ka weydiiyey cabashadan mushahar la’aanta ee Shaqaalaha.
Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abbokor oo Telefeshinka Horn Cable, ayaa Warbaahintu wax ka weydiisay waxa keenay inay muddo laba bilood ah wax mushahar ah waayaan Shaqaalaha Nadaafadda magaalada ee dawladda hoose oo ay cabashadan bannaan-baxa ay ku muujiyeen gaadhay, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo ama wax faahfaahin ah ka bixiyo sababta ay Mushaharkooda u waayeen dadkan ka shaqeeya gurista iyo xaadhista Qashinka ee dawladda Hoose.
Hase-yeeshee, Duqa magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo aannu isku daynay inaannu wax ka weydiinno arrintan, ayaanay noo suuragelin inaannu ku hello khadka taleefanka, markii aannu dhawr jeer oo aannu xalay wacnay la kulannay Taleefannadiisa gacanta oo midkood xidhan yahay, ka kelana barnaamijka farriin ii dhaaftu noo jawaabaysay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment