Saturday, November 22, 2014

Sirdoonka Yuhuudda oo sheegay inay dil qorshaysan ka badbaadiyeen Wasiirka arrimaha dibedda Isra’iil

Qudus, 22 Nov, 2014-(Himilo)- Hay'adda Sirdoonka gudaha ee Israa'iil Shin Bet, ayaa sheegtay in ay ka hortagtay qorshe ay Falastiiniyiintu ku doonayeen in ay ku dilaan Wasiirka arrimaha dibedda ee dawladda Israa'iil Avigdor Lieberman horraantii sannadkan.
lieberman_azerbaijan_visit_israel_512x288_bbcSirdoonka Yuhuudda ayaa sheegay in Ururka Mujaahidiinta Falastiin ee Xamaas uu doonayay in uu Baasuuke ku dhufto gaadhiga gaashaaman ee Mr Lieberman, xilli uu kasoo baxay gurigiisa ku yallaa daanta Galbeed, una socday Xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada Qudus.
Shin Bet ayaa intaa ku dartay in saddex ka mid ah Ragga qorsheynayay dilka ay qireen in ay ku rejo weynaayeen in haddii ay fuliyaan dilka nin uu baaqan lahaa duullaankii 7-da toddobaad socday ee Israa'iil ay bishii July ee sannadkan ku qaadday Marinka Muslimiinta Qaza ee Falastiin. Balse Ururka Xamaas ayaan weli ka hadlan eedeyntan Yuhuudda Isra’iil ka soo yeedhay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment