
“Somaaliya ma xammili karto soo laabashada qeybsanaantii saamaysay toban Raysal-wasaare sannadihii la soo dhaafay, mana aha hawl ummada Soomaaliyeed ka sugayeen hoggaamiyeyaashooda.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Feltman. Waxaanu u soo jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale inay sida ugu degdegga badan u dhammeeyaan khilaafka taagan. “Ma aha khilaafku wixii Soomaalida iyo Ciidammada AMISOM u hureen nafahooda, hadaan nahay saaxiibada Soomaaliya, midnimo la’aantu waxay shaki ku abuuraysaa kalsoonidayadii.”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey furitaankii kulanka Hiigsiga Cusub ee shalay ka furmay dalka Denmark, ayaa sheegay inaan la qarin karin in khilaafyadii dhawaanahan taagnaa caqabado ku yihiin horumarka, balse aanay jirin qof ka jecel in la gaadho horumar.
Madaxweyne Xasan ayaa qeybaha kala duwan ee Maamulkiisa, hoggaamiyeyaasha la doortay iyo kuwa aan la dooranba ka codsaday in wada-jir loo hawgalo, waxaanu yidhi; “Hay’adaha federaalka, sida Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada iyo hoggaamiyeyaasha la doortay ama la dooran ee heer Qaran ama gobol waa inaan wada-jir u shaqeyno, ma hayno wakhti aynu luminno.”
Madaxweynaha Federaal Soomaaliya, ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay, isla markaana qiimaynayo wax-qabadka Raysal-wasaaraha, Wasiirrada iyo shaqaalaha Xukuumaddiisa, kana codsanayo inay sii xoojiyaan gudashada waaji-baadkooda, waxaanu yidhi; “Waan qiimaynayaa shaqada culus ee raysal-wasaaraha, wasiirada iyo shaqaalaha xukuumadu hayaan, kana codsanayaan inay sii wadaan gudashada waajibaadkooda, sida bulshadu u eegayso.”
Shirkan Hiigsiga Cusub oo Arbacadii shalay furmay, ayaa Khamiista maanta la soo gebagebayn doonaa, waxaana waxyaabaha la filayo in lagaga hadli doono ka mid ah dhismaha iyo xoojinta ammanka dalka Soomaaliya, Siyaasadda, Caddaaladda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaaliya.
Shirkan oo la filayo inay ka hadlaan xubnaha ka socda Beesha Caalamka, isla markaana lagaga dhawaaqi doona ballan-qaadyo dhaqaale oo ay Soomaaliya iyo Somaliland ku taageeri doonaan ayaa la filayaa in dhammaadkiisa laga soo saaro war-murtiyeed lagu qeexayo dhammaan waxyaabihii lagaga hadlay iyo go’aammada la iskula qaataba.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment