Hargeysa, 25 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa iska foogeyey eedo mucaaradku ugu jeediyeen muddo-kordhin uu Golihiisa Dhexdiisa uga ololeynayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay inaanay jirin muddo-kordhin la soo hadal-qaaday oo dhinacyada ay khusayso iyo Goleyaasha Qaranku ka wada-hadleen.

Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ka jira muddo-kordhin xukuumadda looga abaabulayo Golaha Guurtida, waxa uu ku jawaabay, “Doorasho June 2015-ka Joogta baynu ka hadlaynaa oo wakhti isaga luminaynaa, aniga waxay ila tahay meesha kuma jirta, kuwa suuqa intaas ka lehina run isuma sheegin, dawladina ma hadal-hayso (Muddo-kordhin), annaguna ma hadal-hayno, goleyaal-na ma hadal-hayaan, intii ay khusaynaysayna waa intaa. Waar annagu ma hayno, Illaahay ha ina gaadhsiiyo markay doorashadu timaaddo.”
Mar wax laga waydiiyey waxa uu kaga jawaabayo dhaliilo bulshadu ugu jeediso hawl-qabadka hoggaamineed ee golaha Guurtida, waxa uu yidhi, “Anigu kaligay ma ihi, anigu gole ayaan madax u ahay, haddii Golihii la dhaliilayo oo aanan anigu arag, waajibaadkoodii waa gutaan. Meel walbana waa ka ammaanaysaan (Guurtida), Guddoomiyahoodiina waa Xun yahay, Cidina idinka rumaysan maysee, malaha idinkaa iila badheedhay dadweyne ima laha.”
Waxa kale oo guddoomiye Saleebaan ka hadlay qorshe xukuumaddu ku shaacisay inay wada-hadallo kula yeelanayso Prof Cali Khaliif Galeydh, waxaanu yidhi, “Maxaanu Cali Khaliif ku wada-hadali, anigu Cali Khaliif waxaanu ku wada-hadalno garan-maayo, reer Somaliland weeyi, nin mucaarad ah maaha, Jabhad buu sheegtay. Ninka Raysalwasaare ka gaadhay Soomaaliya isma lahayn reer buu hoos ugu soo noqonayaa oo maanta hoggaaminayaa.
Hadba kii kursiga ku fadhiya, Somaliland ama ha ahaado Soomaaliya, inuu eryado oo ka kacsado waan filayey, laakiin reer baan hoggaaminayaa oo madax u ahay anigu lib uma arko.”
No comments:
Post a Comment