Wednesday, November 26, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Xukuumaddiisu Ka Hirgelin Doonto Gobolka Saaxil

Hargeysa:Nov,26,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) iyo wafti uu Hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Gobolka Saaxil, halkaas ay kasoo dhagax dhigeen Mashaariic Xukuumaddu hirgalin doonto.

siileemMadaxweynaha iyo waftigiisa ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay waddo xukuumaddu ka hirgelin doonto Inta u dhaxaysa Tuulada Xamaas ilaa Sheekh, taas oo uu saakaba dhagax dhigay.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa shacabka Deegamadaasi si weyn u soo dhaweeyeen, waxana ay tuseen Jacayl iyo taageero Ballaadhan ooh agar la’aan ah.

Madaxweynaha somaliland iyo masuuliyiiintii la socotay oo Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inay si degdeg ah u bilaabi doonaaan Mashruuca lagu dhisayo Waddadaas, waxana ay xuseen in la isku xidhi doono oo la cusboonaysiin Doono Waddada u dhaxaysa Xamaas iyo Sheekh.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda kusoo laabtaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland kadib markii ay soo dhamaysteen Hawlo shaqo oo ay ku tageen Deegaanno Hoosyimaadda Gobolka Saaxil.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment