
“Waxaad ogtihiin wakhtigan aynu ku jirno oo ah wakhtigii Kalluunka inuu aad iyo aad u faro badan yahay, haddaad Berbera tegto waxaad arkaysaa Kalluunkii oo inta badda laga soo guray meela Suuqyada u ah la keenay oo markuu xumaaday Iskaragooyin dib loogu guray oo la daadinayo isagoo qudhmay suuq la’aan darteed, waayo Itoobiya-na wax innoogama baxaan, dhanka Saylac Jabuuti baabay wax ka tagtagaane.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland.
Wasiir Buureed waxa uu sheegay inay Xukuumad ahaan ku dedaalayaan Suuq-u-raadinta Kalluunka dalka, waxaanu u soo jeediyey dadka Kalluunka ka ganacsada oo uu yidhi; “Waxaan ku boorrinayaa dadka ka baayac-mushtareeya Kalluunka ee Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn keenaa inay dhimaan qiimaha marka Kalluunku badan yahay oo qiimaha Kalluunku Xeebaha ka jaban yahay waa in laga dareemaa qiimaha ay ku sii iibinayaa oo Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn laga dareemaa Kalluunku inuu jabay. Laakiin, haddii la yidhaahdo Kalluunkii Xamar baa mar walba ka jaban Hargeysa Kalluunka Berbera laga keenay, waa nasiib-darro.”
Mar uu Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) sharraxayey go’aanka ay ku joojiyeen keenista Kalluunka dibedda ka yimaadda, waxa uu yidhi; “Hore waannu ugu yeedhnay dadka Kalluunka Xamar ka keena, Wasaaradaha ay khusaysana waan iska aragnay, shalayna (dorraad) waxaan soo saarnay qoraal aan u gudbinnay Madaarrada iyo Kastamada dalka, kaasoo aannu ku joojinayno inaan Kalluun ka iman dibedda, maaddaama oo uu Kalluunkeenni innagu filan yahay, innaga badan yahay, isagi xad-dhaaf yahay oo wax gurta u baahan yahay.”
Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu u soo jeediyey dadka Kalluunka dalka gudihiisa ka ganacsada ee intay dadka Kalluumaysatada ah ka iibiyaan magaalooyinka keena inay ku dedaalaan inay buuxiyaan Suuqii Kalluunka dibedda ka imanayey ay Xukuumad ahaan ka joojiyeen oo aan la tebin ee ay kordhiyaan wax-soo-saarkooda, qiimahana macquul ka dhigaan si aan loogu baahan Kalluun dibedda dalka ka soo gala, isagoo dhankiisa ballan-qaaday inay dawlad ahaan tabobbarro iyo qalabyo kala duwan oo Kalluumaysatada u sahla wax soosaarkooda siin doonaan dhawaan sida uu sheegay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment