Madaxwene Uhuru waxa uu sheegay inaanay suuragal ahayn in qofkasta oo reer Kenya ah nabadgelyadiisa la ilaaliyo, ka dib markii ay dadka Kiristanka ah ee aan Diinta Islaamka haysani ka qaxeen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee waddankaas. Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Kenya, ayaa iyaguna Salaasadii dood adag ka yeeshay arrimaha nabadgelyada dalkooda ee ka sii daraya, waxaanay sheegeen inaanay jirin meel keliya oo Kenya ka mid ah oo lagu nabadgeli karaa.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa ka jawaabay dalabka dibed-baxyo Salaasadii ka dhacay dalkiisa oo ahaa inay Booliska Kenya ku guul-darreysteen sugidda nabadgelyada waddanka Kenya. Uhuru Kenyata oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Ma la heli doono Ciidammo ku filan oo ilaaliya qof kasta amnigiisa.”
“Masuuliyadda ilaalintu waxay saaran tahay Adiga iyo Aniga iyo qof kasta. Masuuliyadda ka hor-tagidda weerarradu waxay saaran tahay Adiga iyo Aniga. Haddaba, xittaa haddaan xoojinno amnigeenna, xittaa haddii aan aragno inay habacsanaani jirto, xittaa haddii aad soo bandhigtay habacsanaantaasi, waa inaan ogaannaa. Is casilaadda Boqlkiiba-boqol maaha mid bad qab ah, illaa aan ka aqbaleyno masuuliyadda amnigeenna naga saaran.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Sidoo kale, Ururka ay ku mideysan yihiin Kaniisadaha Kenya oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi Arbacadii shalay, ayaa eedeeyay hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya, waxaanay tilmaameen inay waxba ka qaban waayeen weerarrada ka dhanka ah Masiixiyiinta. Peter Karanja oo ka mid ah dadkii War-Saxaafadeedka qabtay, ayaa Warbaahinta u sharraxay waxa ay ka hadlayaan.
“Masiixiyiinta hadda ma aamminayaan War-Saxaafadeedyada ay soo qorayaan hoggaamiyayaasha Muslimiintu, ee ay naftooda iyo Diinta Islaamka uga fogeynayaan weerarrada argaggixisada, markasta mid baa dhaca, hoggaamiyayaasha weligood ma sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya inay qaadayaan tallaabo si ay uga hortagaan una difaacaan ficilladaasi dadka Masiixiyiinta ah ka dhanka ah, ka hor inta aanay dhicin.” Sidaa ayuu yidhi Peter Karanja.
Waxaanu intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaan rejeyneynaa inaan Muslimiinta oo dhan xasuusinno, inay ku nool yihiin meelkastoo Kenya ka mid ah, meelaha qaarna ay aad ugu yaryihiin, waxay ka faa’ideysanayaan sida Kiristaanka, is-dexgalka nabadda iyo xushmadda ee dalka oo dhan ka jirta. Haddaba, waa dantooda inay beddelaan Cadhada ka jirta Kaniisadaha Kenya.”
Sheekh Cabdilaahi Siraad oo u jawaabay Ururka Kaniisadaha Kenya, ayaa sheegay inaanay dooddaasi ku waafaqsaneen Kaniisadaha. Waxaanay Culimada Islaamku ku doodayaan inaanay Islaamku taageersanayn weerarka ay Kooxda Al-Shabaab ku dishay 28-ka qof ee Kiristaanka ah Sabtidii toddobaadkan meel u dhaw Magaalada Mandheera oo ku taalla gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, dadkaas oo saarnaa Baabuur Bas ah oo ay Rakaab ahaan ula socdeen, isla markaana Kooxda AL-Shabaab ka tirsani markii ay qabteen u kala saareen Muslimiin iyo Kiristan, iyagoo dadkii Muslimiinta u sheegtay wakhtigaas aan waxba yeelin halka ay kuwii Kiristaanka ahaana Madaxa ka wada toogteen.
Doodda ka dhalatay weerarkii subixii sabtida ka dhacay meel u dhaw magaalada Mandheera, ayaa aad sare ugu sii keceysa, waxaanay hadda gaadhtay labada Aqal (Guurtida iyo Wakiillada) ee Baarlamaanka Kenya oo doodo adag ka yeeshay sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalkooda iyo dadkooda, iyagoo Mudanayaasha dooday qaarkood sheegay in nabadgelyadoodu halis ku jirto.
“Halkeen ku noolaannaa, Haddaan Baarlamaanka joogno waa nala dilayaa, haddaad bas raacno waa nala dilayaa, haddaan baar aadno waa nala dilayaa, haddaan baabuurkayaga kaxaysanno waa nala dilayaa, haddaannu Huteelka tagno waa nala dilayaa, haddaan gurigayaga joogno waa nala dilayaa, haddaba halkeen ku noolaan karnaa, waa inay dawladdu amnigayaga sugtaan.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Xildhibaannada Kiristaanka ah ee ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo ka qaybgalay dood adag oo Salaasadii Baarlamaanka dalkaasi yeeshay.
Xildhibaannada Baarlamaanka Kenya, qaarkood ayaa soo jeediyey in sugidda nabadgelyada dalka Kenya la xoojiyo, isla markaana Ciidammada Ammaanka dalkooda lagu daro kuwo Soomaali ah oo si gaar ah loogu tabobbaro ka hor-tagga iyo la-dagaallanka falalka argaggixiso ee lagu gumaadayo dadka reer Kenya sida ay dooddooda u dhigeen, isla markaana ay Ciidammadaas Soomaalida ah ka qaybgalaan sidoo kale la-dagaallanka Al-Shabaab.
Balse, Madaxda Ciidammada Amniga Kenya, ayaa sheegay in ammaanka aad loo adkeeyay, waxaana Ciidammo badan la geeyay Xuduudaha, gaar ahaan dhanka deegaanka Mandheera oo ku dhaw Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.
Gudoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba, ayaa meel fagaaraha ka gashay Arbacadii shalay, in dhammaan Basaska Rakaabka qaada ee ka tegi jiray Mandheera aanay bixi karin, iyadoo aanay ilaalo la socon. Waxaanu tilmaamay in amniga ay kawada shaqeeyaan dawladda deegaanka iyo dawladda dhexe ee Kenya tan iyo intii ka dambaysay weerarkaas Sabtidii 28-ka Kiristaanka ah lagu dilay oo ay Al-Shabaab sheegatay Masuuliyaddiisa.
Sidoo kale, Boqollaal dad ah oo ka shaqaynayay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, ayaa ku qaxay garoonka Ciidammada Cirka ee Kenya, ka dib markii magaaladaasi lagu weeraray gaadhi Bas ah, kaasoo lagu dilay 28 qof Sabtidii toddobaadkan. Inta badan dadkaasi dul-dagay garoonka Ciidammada Cirka Kenya, waa dad aan Muslim ahayn. Kuwaasoo sheegay in ay ka cabsi-qabaan in ay waxyeello ka soo gaadhto Malleeshiyada Al-Shaab oo gudaha dalka Kenya weerarro kala duwan ka fulisay dhawrkii sano ee la soo dhaafay, weerarradaas oo uu ugu dambeeyey kan Sabtidii toddobaadkan lagu dilay 28-ka qof ee reer Kenya.
Ururka ay ku midaysansan yihiin shaqaalaha Kenya, ayaa ku baaqay in macalkimiinta, iyo shaqaalaha caafimaadka ay isaga soo tagaan magaalada Mandhera iyo qaybaha kale ee Waqooyi-Bari Kenya. Dhammaan Duullimaadyada Diyaaradaha iyo Basaska Mandheera ka baxaya, ayaa buuxa oo aan lahayn meel laga raaco, Rakaabka magaaladaas ka tegaya ee qaybaha kale ee Kenya, gaar ahaan Caasimadda tegaya oo tiro ahaan badan.
No comments:
Post a Comment