
Sirdoonka ayaa sheegay in ururka Xamaas uu doonayay in uu baasuuko ku dhufto gaadhiga gaashaaman ee Mr Lieberman, xilli uu kasoo baxay gurigiisa ku yalla daanta galbeed, una socday xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada Qudus.
Shin Bet ayaa intaa ku dartay in saddex ka mid ah ragga qorsheynayay dilka ay qireen in ay ku rajo weynaayeen in haddii ay fuliyaan dilka uu baaqan lahaa duullaankii 7-da asbuuc socday ee Israa’iil ay bishii July ku qaaday marinka Qaza.
Ururka Xamaas ayaan iyagu arrintan weli ka Hadlin, waxase ay ku kooban tahay kaliya dhinaca Isra’il.
Arrintan ayaa la sheegayaa inay dhacday ka hor intii aanay israil weerarka ku qaadin Gudaha Qudus, halkaas oo duulaan Muddo kooban socday ku dishay kumannaan ka mid ah shacabka reer Falasiin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment