Tuesday, November 25, 2014

Maxaa Ka jira in Guddoomiye Cirro Dusha u ritay Qaladaad sababay Khilaafkii Saamaynta ku yeeshay Siyaasadda Dalka?

Nuxurka Qodobbo lagu Heshiiyey Kulan Albaabadu u xidhnaayeen oo Golaha Wakiilladu yeeshay shalay

“Waxaanu ka wada-hadlaynay heshiishkii ka dambeeyey dhibaatadii yarayd ee dhacday, waana la is-wada saamaxay. Waxaana la mahadiyey dhex-dhexaadintii Guurtidu samaysay ee sida fiican loo aqbalay,” – Guddoomiye Cali Yuusuf

Hargeysa, 25 Nov, 2014 (Himilo)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay yeeshay fadhi saxaafaddu dibad-joog ka ahayd oo shir-guddoonka iyo mudaneyaasha Goluhu si gaar ah isaga laab-xaadhanayeen khilaaf garabyo iska soo horjeeda u qaybiyey, khilaafkaas oo lagu xaliyey go’aamo ay Golaha Guurtidu ku dhex-dhexaadiyeen dhinacyadii is-hayey.

cirroKulan ay Xildhibaanadda labadda Gole baarlamaan ee Wakiillada iyo Guurtida Somaliland Sabtidii Todobaadkan ku yeesheen xarunta Guurtida, ayaa Shir-guddoonka guurtidu ku shaaciyeen go’aammada ay ka gaadheen Khilaafkaas, iyada oo go’aamadaas aqbaleen dhinacyadii is-hayey ee Hoggaamiyeyaasha labada Garab ee Muxaafidka iyo Mucaaradka Golaha Wakiillada oo kala ah Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhinaca muxaaradka ah iyo Guddoomiye Ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax oo dhinaca Mudanayaasha Muxaafidka hoggaaminayey.

Kulanka shalay dhex-maray shir-guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada oo qayb ka ahaa kalfadhiga 26aad ee Golahaas oo Axaddii Todobaadkan si rasmi u furmay, waxa ay shir-guddoonka iyo mudaneyaasha Golahaasi si qoto-dheer uga wada-hadleen arrimihii gun-dhigga u ahaa khilaafkii kala qaybiyey oo mudaneyaasha iyo shir-guddoonka iska saamaxeen duul-duulkii ka soo kala-gaadhay, doorkii Golaha Guurtida oo ay bogaadiyeen iyo hawl-qabadka gole ahaan hor-yaalla sidii loo dhammaystiri lahaa, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golahaas Md Cali Yuusuf oo saxaafadda la hadlay markii kulankaado dhammaaday.

“Xildhibaannada iyo shir-guddoonka ayaa is-laab xaadhanayey oo waxay ka wada-hadlayeen heshiishkii ka dambeeyey dhibaatadii yarayd ee dhacday, waana la is-wada saamaxay, waxaana lagu heshiiyey shaqada golaha Wakiillada in la dar-dargeliyo oo wixii qabyo ah oo inoo yaalla muddadaas yare e inoo hadhay aanu si wanaagsan uga shaqayno,” ayuu yidhi Guddoomiye Cali Yuusuf.

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay inay gole ahaan dusha u riteen qaladaadkii sababay khilaafka kala qaybiyey ee looga gurmaday isla markaana ku heshiiyeen der-dergelinta hawlaha Golaha Wakiilladu Qaranka u hayo, waxaanu yidhi, “Waxa la mahadiyey oo la soo qaaday dhex-dhexaadintii Guurtidu samaysay ee sida fiican loo aqbalay. Golaha Wakiillada dhammaantayo qaladkii waanu wada-qaadannay in la hagaajina waanu ka heshiinnay.”

“Immika laba arrimood oo deg-deg ah ayaa noo yaala; midi waa miisaaniyaddii qaranka in deg-deg loo galo, midda labaadna waa ansixinta Komishanka, labadaasina ahmiyaddooda iyo deg-deggooda ayay leeyihiin oo waanu ku heshiinnay, umadda oo dhamina way naga sugaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Yuusuf.

Haseyeeshee, in kasta oo aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn kulanka shalay ee Golaha Wakiillada, haddana ilo-wareedyo dhinacyo kala duwan ah oo Wargeyska Himilo helay, ayaa xaqiijiyey in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi isla markaana ah hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu mudaneyaasha hortooda ka qirtay inuu masuul ka ahaa arrimihii sababay khilaafkii kala-qaybiyey Golaha oo ku aroorayey Arrimo Sharci, isla markaana uu cafis ka dalbaday, wixii immika ka dambeeyana si wada-jir ah loo guto masuuliyadda saaran, shir-guddoon ahaan ay ku taageeraan waajibaadka iyo hoggaaminta Golaha.

Ilo-wareedyadani waxa ay ku dareen in Goluhu Arbacada Berri ah u ballansan yihiin gudo-galka ansixinta Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka oo Golaha hore loogu gudbiyey, ka dib marka ay maanta oo Salaasa ah meel-mariyaan Ajandaha kal-fadhiga 26aad. Waxa kale oo xogahani intaas ku dareen inay suurta-gal tahay Ansixinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka haddii mudaneyaasha Goluhu isla qaataan Ajandaha Kalfadhiga isla markaana xilli munaasib ah la dhameeyo dooddiisa.

No comments:

Post a Comment