Wednesday, November 26, 2014

Shirkad Ka-faa’idaysiga Kheyraadka Badda ka Caawisa Somaliland iyo Soomaalya oo soo bandhigtay Xaddiga Xaaluf lagu hayo Xeebaha labada Waddan

“Waa nasiib-daro in maraakiibta ciidamada caalamka ee ilaaliya badda gobolku gabood u noqdaan sidii wadamo kale u xaalufin lahaayeen kaluunka aagagaa…”

London, 26 Nov, 2014 (Himilo)- Mr. Stephen Akester oo madax ka ah shirkad lagu magacaabo MacAlister Elliott & Partners (MEP) oo horumarinta kaabayaasha kheyraadka Badda kala-shaqeysa Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ka hadlay dhibaatada xaaluf ee maraakiibta shisheeye ku hayaan badaha labada waddan, isaga oo masuuliyadda ku eedeeyey Ciidamada reer Galbeedka ee la-dagaalanka budhcad-badeedda u jooga xeebaha Soomaaliya.

A video grab from an undated television footage shows pirates walking on the beach in the town of Eyl in the north of SomaliaMadaxan Shirkada MEP oo la sheegay inay kala shaqeyso xukuumada Somaliland iyo Soomaaliya diyaarinta qorshayaasha iyo talooyinka ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo kheraadka kalluunka, waxa uu  sheegay inay maraakiibta shisheeye xaalufin ballaadhan ku hayaan noocayada kalluunka ee badaha Somaliland iyo Soomaaliya qaniga ku yihiin.

“Waa nasiib-daro in maraakiibta ciidamada caalamka ee ilaaliya badda gobolku gabbood u noqdaan sidii wadamo kale u xaalufin lahaayeen kalluunka aagaggaa. Waxa jira noocyo haddii si wanaagsan looga faa’iidaysto horumar dhaqaale iyo bulsho gaadhsiin kara,” sidaas ayuu yidhi Stephen Akester oo u warramay wakaaladaha Wararka.

Isaga oo ka hadlayey xidhiidhka ka dhexeeya Xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Shirkada MacAlister Elliott & Partners waxay xidhiidh dheer la lahayd Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay khubaradayadu ka caawiyaan horumarinta qorshayaasha fog ee ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha ee gobolka.”

Dhinaca kale, weriyeyaasha Himilo waxa ay isku-dayeen inay jiritaanka shirkaddan iyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya ka xaqiiyaan Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Badda Md Cali Jaamac Buureed, balse nooma suurta-galin inaanu helno telefonkiisa oo xidhnaa awgeed.

No comments:

Post a Comment