Tuesday, November 25, 2014

Shaqaalaha Aan Islaamka ahayn Ee Ka Hawlgala Deegaanka Mandhera Oo Ka Qaxay Goobihii ay Degenaayeen

Mandhera:Nov,25,2014(Himilo)-Inta Badan shaqaalaha Dawladda, gaar ahaan kuwooda aan Haysan Diinta Islaamka ee Ka Hawlgala Deegaanka Mandheera, aya Bilaabay tallaabo ay Halkaas kaga Baxayaan sababo Ammaankooda la xidhiidha.

ikaDadkani ayaa isugu tagay saldhig ay mandheera ku leeyihiin ciidamada difaaca dalka, iyagoo ka codsaday in loo qaado deegaanada kale ee dalka.

Arintan ayaa daba socota weerarkii ay sabtidi kooxda shabab u geysteen gaadhi kasoo baxay mandheera, kaasoo lagu dilay ugu yaraan 28 ruux.

Dadkan ayaa ku andocooday in ay noloshooda u cabsanayaan maadaama sida la sheegay ay guryohooda calaamadeysteen xoogagga shabaab ayna xili kasta weerar kusoo qaadi karaan.

Dadka dowlada ka codasanaya in ay mandheera kasoo daad gureyso ayaa markii hore tagay xarun ay leeyihiin ciidamada maamulka, balse markii dambe waxa ay uga sii gudbibeen saldhiga ciidamada milatariga.

Xiisaha iyo cabsida dadka ayaa cirka isku sii shareeray markii ururada midowga macalimiinta iyo dhakhaatiirtu ay xubnohooda ugu baaqeen in ay lasoo hayaamaan deegaanada gobolka waqooyi bari ee dalka.

In ka badan 10,000 oo macalin iyo shaqaale kale oo kor u dhaafaya 15,500 ayaa loo sheegay in aanay iska xaadirinin goobaha shaqada, ee magaalada mandheera iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka waqooyi-bari.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment