Thursday, November 20, 2014

Booliska Kenya oo Weeraray Masaajidkii 3-aad ee ku yaalla Mombasa oo laga Mabnuucay Muslimiintu inay ku Cibaadaystaan

Mombasa, 20 Nov, 2014-(Himilo)- Masaajid Muslimiintu ku Cibaadaysanayeen oo ku yaalla magaalada Mombasa Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, ayay weerareen Ciidammada Ammaanka dawladda Kenya, isla markaana waxay Masaajidka gudihiisa ka heleen Hub kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Bambooyin, Bamka laga sameeyo Petrolka iyo dhawr Baangadood.
MOMBASABooliska Kenya, ayaa sidoo kale sheegay in ay ka sokow halkaas ka heleen qoraallo lagu dhiirrigelinayo xag-jirnimada. Madaxa Booliska ee deegaanka Kisauni ee magaalada Mombasa Richard Ngatia, ayaa sheegay in Masaajidka ay dhawaan la wareegeen dhalinyaro xag-jiriin ahi.
Weerarka shalay Ciidammada Ammaanka Kenya ku qaadeen Masaajidkaas ku yaallay Mombasa, ayaa daba socda weerarro kale oo ay Isniintii toddobaadkan Boolisku ku qaadeen Masaajiddada Musa iyo Sakina ee isla magaaladaas. Seddexda Masaajid ayaa hadda la xidhay oo dadka Muslimiinta ah ee raba inay ku cibaadaystaan aanay isticmaali karin sida ay Boolisku ku amreen, iyagoo saddexda Masaajid-ba Ciidammo si gaar ah u ilaalinayaan.
Wasiirka ammniga ee dawladda Kenya Joseph Ole Lenku, ayaa sheegay in Masaajiyadda weerarrada ay ku qaadeen Ciidammada Ammaanka ee magaalada Mombasa la rumeysan yahay in ay gabbood u yihiin xag-jirka, la sii wadi doono illaa ammaanka magaalada Mombasa laga sugayo.
Wadaadada Islaamka ah ayaa waxa ay canbaareeyeen weerarradaas lagu qaaday Masaajidadda, waxa ay sheegeen in arrintaasi ay ku sii riixi doonto dhalinyarada Xeebta in ay noqdaan xag-jiriin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment