Saturday, November 22, 2014

Guddiga Guurtida ee dhex-dhexaadinta Khilaafka Wakiillada oo Maanta ku dhawaaqaya Natiijada Xallintooda iyo Rejada labada dhinac

Hargeysa, 22 Nov, 2014-(Himilo)- Guddiga dhex-dhexaadinta iyo ka Garniqidda Khilaafka u dhexeeya Mudanayaasha Mucaaradka iyo Muxaafidka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la filayaa inay Sabtida maanta Fadhiga Guurtida ku shaaciyaan go’aammada ay ka soo saareen dhex-dhexaadinta ay ku jireen tan iyo sabtidii toddobaadkii hore.
Guddiga Guurtida ee xallinka muranka iyo Khilaafka Golaha Wakiillada, ayaa Xildhibaannada iyo Xubnaha Shir-guddoonka ee kala hoggaaminaya Mucaaradka iyo Muxaafidka Wakiillada ku wargeliyey inay natiijada dhex-dhexaadinta ay muddada toddobaadka ah ku jireen ku shaacin doonaan Fadhiga Guurtidu yeelanayso Sabtida Maanta haddii Illaahay y idhaahdo.
timthumb.phpMudane ka tirsan Xildhibaannada Mucaaradka ee Golaha Wakiillada, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Guddiga dhex-dhexaadinta Khilaafka Wakiillada ee Golaha Guurtidu ku soo war-geliyeen Xildhibaannada iyo Shir-guddoonka Wakiillada inay tobanka subaxnimo ee Sabtida Saaka go’aanka dhex-dhexaadinta ay ku shaacin donaan fadhiga Guurtida ee maanta, sidaa awgeedna ay ka qayb-galayaan fadhigaas si ay goob-joog ugu ahaadaan Natiijada ay soo saarayaan Guurtidu, waxaanu Mudanahaas oo ka gaabsaday xusidda Magiciisa uu yidh; “Guddigu waxay yidhaahdeen Natiijada waxaannu ku shaacinaynaa fadhiga Sabtida Berri (Maanta) ee Golaha Guurtida, waxaanay nagu wargeliyeen in fadhigaas ka qaybgalkiisu noo furan yahay, waanannu ka qaybgalaynaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”
“Annagu gar baannu u dhiibannay oo labadayada dhinacba mid waliba wixii uu ka cabanayey waannu u sheegnay, markaa waxaas la isku hayey ee loo sheegay inay ka Garnaqaan oo ay si dhex-dhexaad ah uga garnaqaan baannu ka rejaynaynaa. Laakiin, waxaa aannu u dhiibannay wax ka baxsan hadday la yimaaddaan dee aqbali mayno ayay ila tahay.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan kale oo ka tirsan dhinaca Xildhibaannada Mucaaradka ah ee Golaha Wakiillada Wargeyska Himilo xalay wax ka weydiiyey rejadooda natiijada Saaka la filayo inay Guurtidu ku dhawaaqdo, kaasoo ka gaabsaday inaannu Magiciisa Baahinno ama Shaacinno.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhankiisa rejo ka muujiyey in Guurtidu natiijada dhex-dhexaadinta ay ka gashay is-haynta Mucaaradka iyo Muxaafidka Golaha Wakiillada soo saari doonto illaa Sabtida Maanta, si Goluhuna isla maanta u furmo.
“Shacbiga Somaliland iyo Caalamkuba wuu la socday wixii ka dhacay Golaha Wakiillada iyo in inqilaab Millateri la sameeyey oo lagu qabsanayey Goluhu. Hase-yeeshee, hadda halka ay maraysaa waxa weeye inay Guurtidu dhex gashay, annaguna waan oggolaannay inay dhex-gasho. Markaa, arrintu hadda waxay la taallaa Golaha Guurtida, oo laga sugayo natiijadeeda inay soo saaraan si Goluhu u furmo illaa Sabtida.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro mar uu waraysi siiyey Weriye Cabdiraxmaan-Hiiraan.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Cali Yuusuf Axmed, ayaa Wargeyska Himilo oo xalay Taleefanka kula xidhiidhay, waxna ka weydiiyey arrintan u xaqiijiyey inay Sabtida Maanta filayaan in Guddiga Guurtida ee hawsha dhex-dhexaadinta gacanta ku hayey ku dhawaaqaan natiijada go’aammada ay ka soo saarayaan xallinta khilaafka, balse waxa uu xusay inaanu war intaas ka badan ka sheegaynin, isagoo xusay inay rejaynayaan hadday suuragal noqoto in Fadhiga koowaad ee Kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Wakiilladu uu Sabtida u furmo, haddii uu ka dib dhacana uu Axadda u furmi doono.
Nooca go’aammada iyo nuxurka natiijada ay ku dhawaaqi doonaan Sabtida Saaka Guddiga dhex-dhexaadinta khilaafka Golaha Wakiillada ee Guurtida, kuwaasoo xubno ka tirsan oo Wargeyska Himilo la xidhiidhay ka gaabsadeen in haba-yaraatee aanay wax faahfaahin ah ka sii bixin doonin go’aammada ay Sabtida maanta ku dhawaaqi doonaan, balse loo wada joogi doono uun fadhiga maanta go’aankaas ku shaacin doonaan. Sidoo kale, Xildhibaanno ka tirsan Muxaafidka iyo Mucaaridka Wakiillada oo Himilo wax ka weydiiyey waxa ay ka sii og yihiin natiijada maanta soo bixi doonta ee Guurtidu gacanta ku hayso, ayaa sheegay inaanay wax ay ka og yihiin jirin, balse ay rejaynayaan uun inay maanta goob-joog u noqdaan go’aammada ay Guurtidu soo saari doonaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment