Monday, November 24, 2014

“Annagu Cali Khaliif Wax aanu ku wada Hadalno Garan maayo, Ninka Ra’isal wasaare ka Gaadhay Somaliyana isma lahayn Reer Buu dibb ugu soo noqonayaa” Guddoomiye Saleebaan.

Hargeysa:Nov,24,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Hadlay Sheegashada Cali Khaliif ee Madaxweynenimada Maamulka Khaatumo, isagoo ku tilmaamay wax aan cidina ka filaynin inuu Ninkaasi ku kaco.

saleebaanSaleebbaan Maxamuud Aadan oo Maanta la Hadlayey warbaahinta Madaxa Bannaan, ayaa sheegay inaan sinaba Suurtagal u ahayn in qaranka somaliland Wada-hadal la furaan Cali Khaliif, maadaama uu yahay Nin ku faanaya oo sheeganaya inuu Beel Hoggaamiye u yahay.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu tilmaamay inuu Cali khaliif haatan gaadhay heer hoose oo aan laga filaynin, kaas oo ah inuu Beeshiisa Madaxweyneheedii sheeganayo,

“annagu Cali Khaliif Wax aanu ku wada Hadalno Garan maayo, reer Somaliland weeeye, Nin Mucaarid ah ma aha, Jabhad buu sheegtay Ninka Ra’isal wasaare ka Gaadhay Somaliyana isma lahayn Reer Buu dibb ugu soo noqonayaa oo maanta Hoggaaminayaa Hadba kii Kursiga ku fadhiya ama somaliland ha ahaado ama Somalia ha Ahaadee inuu ka kacsado waan filayey, laakiin reer Baan Hoggaaminayaa Madaxweyne u ahay anigu lib uma Arko.” Ayuu Yidhi Saleebaan Maxamuud.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu sidoo kale meesha ka saaray inuu Golihiisu ku Hawllan yahay Muddo-kordhin loo samayn doono Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inaanay arrintaasi ahayn mid haatan laga Hadli karo.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment