“Markii aanu soo bandhignay koobkii, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa didday oo is-hortaagtay oo tidhi ma qaban-kartaan, waxaana afkiisa naga yidhi Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha,” – Xasan Cawaale
“Arrintaas mar dhawayd (xalay) baa laysheegayey, wax badanna kama ogi, laakiin …” – Wasiirka Dhalinyarada
Hargeysa, 23 Nov, 2014 (Himilo)- Tartan-ciyaareed ay ka qayb-gali lahaayeen 12 kooxood oo la qorsheeyey inay ka kala yimaaddaan gobollada Maroodijeex, Awdal, Gabiley iyo Saaxil, isla markaana lagu maamuusayey Cabdilaahi Suldaan Tima-cadde, ayaa wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaruhu horjoogsatay qabashadiisa,
Tartan-ciyaareedka oo uu maal-galiyey xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada isla markaana la qorsheeyey in lagu qabto magaalada Gabiley, waxa ka soo if-baxay khilaaf iyo saluug dhexmaray Wasaaradda Ciyaaraha iyo xildhibaanka maalgeliyey, ka dib markii wasiirka oo loo bandhigay tartankaasi uu horjoogsaday qabsoomidiisa, sida uu sheegay xildhibaan Xasan Cawaale oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

“Koob aan magaalada Gabiley ku dhigayey oo ay ka qayb-galayeen ciyaartoyga gobolka Awdal oo laba tiim ah, Gabiley oo saddex ah, Hargeysa oo shan ah iyo Berbera oo laba ah. Tiimamkaasi (Kooxahaasi) oo aanu gu talo-galnay inaanu ku qabanno gobolka Gabiley isla markaana ay isku bartaan, koobkaas oo aanu ugu magac-darnay Cabdilaahi Suldaan Tima-cadde oo lagu xusuusanayo gabayadiisii. Hase ahaatee, markii aanu soo bandhignay koobkii, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa didday oo is-hortaagtay oo tidhi ma qaban-kartaan, waxaana afkiisa naga yidhi Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha,” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Sidaa daraadeed, waxaanu garan-waynay Wasiirku inuu neceb yahay gobolka Gabiley, inuu neceb yahay dhalinyarada aanu kubadda u dhigayno ee gobollada ka imanaysa iyo inuu neceb yahay ninkii odayga ahaa eenu ku xusnay ee Tima-cadde. Markaa waxaanu leenahay, dhalinyaradii koobka loo dhigayey sidaas baa loo joojiyey koobkii aanu dhigaynay.”

“Arrintaas mar dhawayd (xalay) baa laysheegayey, wax badanna kama ogi, laakiin Berri (maanta) ayaanu ka hadlayna oo shir jaraa’id qabanaynaa,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Cali Siciid Raygal oo Wargeyska Himilo khadka telefonka wax kaga weydiiyey dhacdadan.
Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo ay hoos-tagaan xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha dalka oo kubadda cagtu ku jirto, ayaa xukuumadda u qaabilsan iyo waajibaadkoodu maamulka iyo gacan-ku-haynta tartan ciyaareedyada heer gobol ee kubadda Cagta, haseyeeshee lama garan karo sababta keentay go’aanka wasiirku ku joojiyey maadama oo sida xildhibaanku sheegay, loo bandhigay tartan ciyaareedka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment