Sida shalay lagu baahiyey Wargeyska IrishTimes, ninkan Soomaaliga ah ayaa codsigii uu ku doonayey in qoyskiisa loogu keeno uu hor-isaatagy Wasiirka Caddaalada Ireland, maaddaama oo ay culays dhaqaale ku keenayaan dalkiisa, balse go’aanka Maxkamadda sare, ayaa lagu sheegay in qodobka dhaqaalaha ee diidmada lagu saleeyey ka baxsan yahay go’aammada Wasiirka Caddaaladdu keli u gaadhi karo.

Ninkan Soomaaliga ah oo sannadkii 2007 qaxootinimo loogu aqoonsaday dalkaas, ayaa doonaya in loo soo kaxeeyo Qoyskiisa oo ka kooban Xaaskiisa, Caruurtiisa, Hooyadii iyo Afar ay Walaalo yihiin, waxaana go’aankan Maxkamadda sare ku burisay diidmadii hore ee Wasiirka Caddaaladdu muujinayaa in dalabkiisu guul ku dhaw yahay hadda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment