
Ku dhowaad 5-milyan oo qof oo dadka soo galootiga ayaa heli doona sharci kumeelgaadh ah oo u sahlaaya in ay deganaadaan isla markaana shaqeystaan.
Balse arrintan waxaa si weyn uga soo horjeeda Xisbiga Mucaaridka ah ee Jamhuuriga oo doorashadii Baarlamaanka ee dhacday 4-tii November la wareegay inta badan kuraasta labada gole ee Baarlamaanka Maraykanka.
Dalka Mareykanka waxaa ku nool 11-millyan oo qof oo soo galooti ah, waxaana sanadkan kordhay caruurta kasoo galaya xuduudaha.
Hannaankan cusub ee sharci ayaa waxa si weyn uga faa’iidaysan doonaa Malaayiin qof oo la ildarnaa sharcidarro haysatay oo ku keentay inay shaqaysan kari waayaan muddo badan oo ay dalkaas joogeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment