
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaabinta qaarkeed, ayaa mar wax laga weydiiyey jawaabta uu ka bixinayo dhaliilo Xisbigiisa loogu jeediyo in siyaasadiisu dhiirri-geliso ku-dhaqanka qabyaaladda, waxa uu yidhi, “Saddexda Xisbi Qaranka waxa loo soo koobay oo loo sameeyey inaynu kaga baxno qabyaaladda. Mabda’a loo sameeyey aya kaas ah. Shuruucdu dhammaantood waxay tilmaamaysaa inaanu xisbigu noqon karin deegaan gaar ah ama cid gaar ah. taasina inay been tahay, waxa caddaynaysa Waddani markii uu ururka ahaa degmooyinka Somaliland wuxuu ahaa ururka qudha ee degmo kasta kaalinta koowaad galay ama kaalinta labaad ku jiray, dee reerkaygu intaas oo dhan ma dego, shacbiga Somaliland baa soo saaray.”
Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in maalinta Khamiista ee Berri ay xisbigiisa ku soo biirayaan Siyaasiyiiin miisaan ku leh bulshada dhexdeeda oo hore uga tirsanaan jiray Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, taas oo uu daliil uga dhigay inaanu Xisbiga Waddani ahayn xisbi cid gaar ahi leedahay, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo taas caddaynaya, Khamiista waxa ku soo biiraya dad reer Somaliland oo dhami garanayaan oo siyaasiyiin ah oo aan deegaan qudha ahayn oo waliba ka tirsanaan jiray xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilal muhiim ahna ka soo qabtay. Markaa dadka oo dhami; kuwii Kulmiye ku jiray iyo kuwii aan xisbiga weli gelin, dhammaantood waxay ku soo socdaan xisbiga Waddani, waxaanay u arkaan xisbiga kaliya ee ay ku badbaaday Somaliland.”
No comments:
Post a Comment