Sunday, November 23, 2014

Tahriibayaal Tiro Badan Oo Laga Badbaadiyey Xeebaha Talyaaniga iyo Libya U Dhexeeya

Banqhazi:Nov,23,2014(Himilo)-Wararka laga Helayo Xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Tiro badan oo kamid ahayd Tahriibayaal doonayey inay Ka Gudbaan Badweynta Middeterenian-ka ay badbaadiyeen Ciidamada Ilaalada Xeebuhu.

coeDadka la Badbaadiyey ayaa tiradooda lagu sheegay Kudhawaad 800-qof, kuwaas oo ay ku jireen Soomaali badani, sida ay qortay Wakaallada Wararka ee AFP-du.

Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay maalinimadii shalay ahayd in ay soo badbaadiyeen ilaa 520 ruux oo saarnaa kudhaawad 5 doomood ,iyadoo taasi ay qeeyb katahay dadaala talyaanigu uu kudoonayo in uu kuyareeyo dadka muhaajiriinta ah ee ay soomaalidu kujiraan islamarkaana doonaya in ay usoo talaabaan dalka Talyaaniga.

Tiro intaa kadheeri ah oo dhan 171 ruux ayaa waxaa badbaadiyay ciidamada ilaalada bada ee dalka Liibiya xili doontoodu a mareysay waqooyiga Tripoli.

Dhanka kale ciidamada bada talyaaniga ayaa iyaguna sheegay in ay badbaadiyeen 105 ruux oo muhaajiriin ah xili doonidii siday ay kudegtay xeebta Garabulli ,oo 50 KM dhanka Bari kaxigta caasiamda Tripoli.

Sanadkii 2013 ,in kabadan 8,000 oo muhaajiriin ah islamarkaana ay kujiraan soomaali ayaa gaadhay wadanka Talyaaniga ,waxaana dowlada talyaaniga ay sheegtay in ay kahortagi doonto ,muhaajiriinta tirada badan ee wadankeeda kusoo qulqulaya.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment