Lampedusa, 22 Nov, 2014 (Himilo)- Warbixin Telefishanka Euronews ka diyaariyey halista in badan oo dhalinyarada reer Somaliland kala kulmaan Tahriibka ay ku beegsadaan gaadhitaanka waddmada Qaaradda Yurub, ayaa lagu caddeeyey in wakhtigan is-beddel ku yimi fikirkii qaar ka mid ah dhalinyarada u xadhko xidhnayd u badheedhka halaagga tahriibta, ka dib markii ay garawsadeen geerida ku suntan halista tahriibta Badda iyo Saxaraha-ba.
Warbixinta Euronews ayaa lagu bilaabay in sannad walba kumanaan dhalinyaro ah nafahooda ugu biimeeyaan badda Mediterrannean si ay nolol wanaagsan helitaankeeda u tagaan qaaradda Yurub, ayaa dalka Somaliland oo baddi ka badbaaday qulqulatooyinka iyo qalalaasaha ka taagan Soomaaliya dhalinyaradoodu ku hamiyayaan sidii ay nolol wanaagsan ugu doonan lahaayeen meelo kale, maadama sababta ugu weyn ee hayaankoodu yahay shaqo la’aan ka jirta dalkooda.

Ugu yaraan inka badan saddex kun oo qof oo tahriibayaal ah, ayaa ku dhintay ka tallaabidda Badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga sida xogaha la hayaa sheegayaan, inkastoo tirada intaa laga badinayo, maaddaama oo Meydad badani Badaha ku lumen.


Dhalinyaro ay saaxiibbo ahaayeen Wiil lagu magacaabo Dijiile oo ku dhintay Liibiya, ayaa sheegay in dhimashada saaxiibkood oo kaftan wadaag badan lahaayeen is-beddel ku keentay fikirkoodii inay raacaan waddaddii saaxiibkood ugu hayaamay halista Tahriib lagu gaadho Yurub.“Qof walba waxuu ku hamiyaan tegitaanka Yurub, annigu waan doonayey markii hore inaan tahriibo, laakiin wakhtigan diyaar uma ihi inaan u badheedho halista dhimashada sidii saxaiibkay.” ayey yidhaahdeen Dhalinyarada reer Hargeysa ee Saaxiibbadood ku naf-waayeen halaagga Tahriibta iyo beegsiga Yurub.
Warbixinta Euronews, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay yareynta shaqo la’aanta iyo sdii shaqo-abuur cusub loogu diyaarin lahaa dhalinyarada waxbarashadii Jaamacadaha dhammaysatay, oo dhaqaale badan iyo taageero ka filayaan Midowga Yurub si dhalinyaradoodu ugu negaadaan dalkooda Hooyo.
Inastoo ay muuqato halista Tahriibku ku hayo wakhtigan badi dhalinyaradii, ayaa dhinaca kale waxay u muuqdaan kuwo aan dhego u lahayn Baaqyada Culimada waaweyn ee dalku ugu soo jeedinayaan sida Diinta Islaamku u xaaraantimaysay inuu qofku naftiisa halligo, isla markaana aanay Diinta Islaamku bannaynayn in loo hayaamo dhulka Gaalada xaalado gaar ah dartood mooyaane, balse aanay marnaba oggolayn inuu qofku yidhaahdo nolol ayaan u doonayaan dhul Gaalaad aan amni ahayn.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment