
Hay’adda kaabayaasha biyaha u qaabilan Afrika (AWF), ayaa warbixin ay dhowaan soo saartay ku sheegtay inay dhaqaale gaadhaya saddex milyan oo Yuuro ku wareejiyeen xukuumadda Soomaaliya, taas oo loogu talogalay mashaariic wax lagaga qabanayo isbeddelka cimilada iyo caqabadaha dhinaca kheyraadka biyaha ee Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda kheyraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Axmed Cabdulle oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey waxa ay kala socdaan jiritaanka arrintan, waxa uu sheegay inaanay xukuumad ahan xog ka hayn isla markaana aan la soo gaadhsiin dhaqaale la sheegay in loo gudbiyey dawladda Soomaaliya, balse waxa uu sheegay inay faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidhi doonaan hay’addii bixisay dhaqaalaha.
“Wax war ah kama hayno arrinkaa, xidhiidh hay’adda bixisay nagala soo samaysayna ma jirto,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, “Warka dhaqaalahaa wargeysyada ayaan ku arkay, markaa annigoo filayey in wasaaradda Qorsheynta qaranka xog-ogaal u tahay, ayaan maanta (shalay) ka xaqiiqsaday wasiirka Qorsheynta inaanay xog u hayn, markaa arrinkaa xidhiidh ayaan kala samayn doonaa hay’adda bixisay, oon hore wax wada shaqeyn ah ula yeelan Somaliland,”
Dhaqaalahan oo wax weyn ka tari doona caqabado badan oo shacabka reer Somaliland ka haysata dhinaca biyaha, ayaa loogu talo-galay horumarinta nidaamka maamulka kheyraadka biyaha iyo dhiirri-gelinta maalgashi lagu sameeyo kaabayaasha biyaha.
No comments:
Post a Comment