Hargeysa, 30 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka deyriyey xaaladda dalku ku sugan yahay wakhtigan oo uu sheegay inay tahay meel laga warwaro.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay la hadlay saxaafadda, waxa uu ku dooday in qaranimadii Somaliland sii kala furfurmayso, isla-markaana nidaamka qabyaaladda oo si xooggan uga jira dalku ay tahay caqabadda ugu weyn ee dalku u baahan in laga badbaadiyo, waxaanu si gaar ah u dhaliilay nidaamka xulashada hoggaanka Guddiga doorashooyinka ee golaha wakiilladu shalay ansixiyey.

Guddoommiye Faysal Cali Waraabe waxa uu mar kale kaga dhawaajiiyey shirweyne Qaran oo aayaha dalka lagaga tashado, waxaanu yidhi, “Inagoo sidaas u soo taagan ayaa maanta dhulkeenii la sheeganayaa oo dawlad goboleedyo la inaga dhex sameeyey oo aynu maamulkeenii gaadhsiin kari weynay, degmooyinkii Bariga ee Sool-Bari iyo Koonfurta Sanaag, waxaan hore u sheegay, aynu tashano oo aynu shir qaran iskugu nimaadno oo eegno waxa u baaahan in la hagaajiyo, haddana waan ku celinayaa.”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in cidda kaliya ee waajibaadka kowaad ka saaran yahay qaranku ay tahay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in looga baahan yahay isu-soo-dhawaynta bulshada iyo xalinta khilaafaadyada siyaasadeed.
“Xilka Qaranku madaxweynaha ayuu saaran yahay, baarlamaanka iyo Guurtidu waa ku jiraan, laakiin Fulintu waa Madaxweynaha, isagaana ka kaw ah dadkuna talo ayuu u baahan yahay dawladduna gogosha Ha Fidiso, Madaxweynahana waxan leeyahay dalkii wuxuu ku jiraa Fawdee waa in Fawdadaas Laga gaadhaa,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu soo Hadal-qaaday Shirar-beeleedyada iyo saamaynta ku yeesheen isku-duubnaanta shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Galbeedka Dalka Shirbaa ka socda . Xaq bayna u leeyihiin waayo Beelihii dhexe ayaa intaas shiraysay ee Reero u shiraysay oo Jilib jilib u shiraysay, Taleex midbaa ka socay oo khaatumo ayaa lagu sameeyey, Majeerteeniyana Goboladeenii ayey Distoorka ku tarsadeen,waxana aad moodaa inaynu gacmaha laabanay oo aynu arrinteenii ka dhignay Qaad iyo Qabiil. Musuqmaasuqii baa la leeyahay ciddii buu ku batay oo gaaladu qoraysaa, qabiilkii baa batay oo waynu is nacnay oo waynu is-caayeynaa, haddii aynu sidan ku galo doorashana waxan ka baqayaa inay nabadgelyadu ka baxdo meesha, madaxweynahana waxan leeyahay shir qaran baa loo baahayn yahay.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Istaraatiijiyad qaranimo ma socotee waxa socota qofkastow waxad Boobi karto boob. Qabaa’il is boobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn oo aan waxba ku heshiis ahayn, Baylahdiina way badatay Beelihii hareeruhuna wayna daawanayaan, Beesha dhexana maanta Somaliland Khatar ku haysa mar hadii Axsaabtii qabiil noqotay oo nin maanta la taaban karaa aanu jirin oo nin kastaa qabiil dabada gelinayo.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu dhaliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ka digay wejiyo siyaasadeed oo wada-hadallada Soomaaliya yeesheen mustaqbalka haddii aan la hagaajin siyaasadda Arrimaha Dibadda. “Maanta Xafiis dibadeed oo inoo shaqaynaya ma jiro Ictiraafna waynu doonaynaa, maantana Somalia Dawlad Goboleedyaa Laga dhisay, Awooddii Dawladda Dhexena wuu yaraaday, waxaana iman doonta maalin wada-hadallada aynu la leenahay Somalia la odhan doono la hadla Shanta Madaxweyne ee Somalia oo kasoo dhamaysta arrintiina,” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment