Wednesday, November 19, 2014

“Kuwa afmiinshaarada ah ayaa dadka ku yidhaahda Maxamed Biixi iyo Samaale, Axmed Siilanyo ayey kursiga ku haystaan, kuma haysano ee wasiiradiisa ayaanu nahay”

“Axmed Siilaanyana aynu dhisno, kii soo baxa reerkana aynu dhisno, qof kastoo hann lehna cidd reebi karta ma jirto, yaan been laysku sheegin,
Hargeysa 19 Nov, 2014 (Himilo)- Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa deedefeeyey dad uu ku tilmaamay inay yihiin afmiinshaaro iyo beenaalayaal inuu Cabdicasiis Samaale ahaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ay Madaxweyne Siilaanyo ku haystaan kursiga iyo murshaxnimadiisa, waxaanu sheegay inaanay jirin meel ay labadoodu madaxweynaha murashaxnimadiisa iyo kursigiisa ku damaaciyeen, balse wakhti kasta diyaar u yihiin inay dhisaan isla markaana ku ilaaliyaan madaxweynaha kursigiisa iyo murashaxnimadiisa.
vlcsnap-2014-11-18-21h26m49s51Wasiirka Maaliyadda oo hadal ka jeediyey casuumad qaddo-sharaf ah oo isaga iyo wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi shalaly si wadajir ugu sameeyeen martisharaf boqolaal gaadhaya, halkaas oo ay ku shaaciyeen inay labadoodu u taagan yihiin murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye marka uu madaxweynuhu dhammaysto muddadiisa, waxa uu ujeeddada kulankaas ku micneeyey inaanu ahayn mid cidd gaar ah loogu tashanayo, balse ay umadda kaga shaki saarayaan wararka ku-tidhi-ku-teenka ah ee loolanka murashaxnimada Kulmiye, isaga oo sheegay in musharaxa rasmiga ah ee xisbiga Kulmiye uu yahay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo uu sheegay inay hore u soo dhiseen, xilligan diyaar u yihiin inay dhisaan
“Munaasibadan isuguma aynaan iman inaan cidd ku xumayno, inaan cidd ku waxyeelayno iyo inaan cidd ugu tashano, waxaynu isugu nimi inaynu ku wada tashano innagoo walaalo ah. Hadii warar been ah suuqa yaaleen, murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga Kulmiye ee taladda dalka hayaa waa Md. Axmed M. Maxamuud Siilanyo, isagaan hore u soo dhisnay, isagaan dhisaynaa, waynu iskaashanayaa, hore waynu u guulaysanay, kuwa dambena hadii Ilaah yidhaahdo waynu guulaysan doonaa.”
Md. Samaale waxa halkaas ka sheegay in wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis uu yahay musharax jagada madaxweynaha uga dhex tartami doona xisbiga Kulmiye doorashada soo socota ee Madaxweyne Siilanyo u sharraxan yahay ka dib, isla markaana ay diyaar u yihiin inuu labadooda dhex-maro tartan xalaal ah, waxaanu yidhi, “Annagu hadaan wasiiradii xukuumada nahay, horena waanu u caddeynay, immikana waanu caddaynaynaa inaanu hunguri naga hayn kursiga madaxweyne Siilanyo intuu ku fadhiyo, waxaanu-se caddaynayaa Madaxweynaha dabadii han baanu leenahay waanan tartamaynaa, taa cidda diidan ama aan tartanka noocaas ah geli karayn inay saaxada tartanka bannayso weeye. Wasiirada xukuumadda hadaanu nahay waxaanu qabanay, wasaaradda Arrimaha Dibedda wefdigii ugu balaadhnaa ee Itoobiya ayaa laga tilmaami karaa, wasaaradda Maaliyadda halka ay gaadhsiisay, miisaaniyadda qaranka ee maanta ay marayso, iyo dhismayaasha dawladdu leedahay e emaanta caasimadda ka dhisan e eMadaxtooyadu u horeyso ayaa ah waxqabad aan la dafiri Karin.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Kursigu sammada ayuu ka qorran yahay, cidda maanta ku fadhidaa sammada ayey ka qornayd, berri cidda ku fadhiisan doontaana sammada ayey ka qorran tahay. Beryahii u dambeeyey sidaan la socono shirar doceedyo ayaa socday, runtu sidday tahay shirar doceedyadaasi reerka way burburinayaan, oo qof wadaddii xalaasha ahayde uu wax ku heli lahaa aan ku kalsoonayn, ayaa waddo xaraan ah wax ku doonaya. Anniga (Cabdicasiis) iyo walaalkay Maxamed Biixi waddada xalaasha ah ayaan wax ku doonaynaa, Madaxweyne Axmed dabadiina waanu tartamayaa, iyo cid kastoo gollaha dhexe xisbiga ku jira way u furan tahay, marka tartan yimaado reerka ninka u qalma ayaa soo bixi doona, oo la dhisi doonaa, kuu noqon doono ilaahay baa og, annaguna waanu ku qanacsan nahay oo kalsooni ayaan ku qabnaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Reerku waa reer xadaarad leh oo siyaasadda ku gaamuray, oo muddo dheer ku soo jiray, hadday dooneen maanta inay Axmed Siilanyo dabadii madaxweynaha ku xiga noqdaan, ilaahay wuu siin doonaaye, waddadii wanaagsanayd aan u marro, Axmed Siilaanyana aynu dhisno, kii soo baxa reerkana aynu dhisno, qof kastoo hann lehna cid reebi karta ma jirto, yaan been laysku sheegin. Doorashada soo socota xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa musharax u ah, waan ku celcelinayaa taa, waayo kuwa afmiinshaarada ee beenaalayaasha ayaa dadka ku yidhaahda Maxamed Biixi iyo Samaale Axmed Siilanyo ayey kursiga ku haystaan? Xagaan kaga haysanaa? Cidda Axmed (Madaxweynaha) kursiga ku haysata waa la yaqaanaa, annagu wasiiradiisa ayaan nahay, hore kursi uguma qabsan, maantana kuma haysano, isagaan dhisaynaa, ka dibna tartan xalaal ah ayaa la gelayaa,” Sidaas ayuu yidhi Md Samaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment