Wednesday, November 19, 2014

Radio Hargeysa Oo Markale Cillad U Fadhiisatay Iyo Shacabka Gobollada Oo ay Isku Soo Baxsadeen Idaacadaha Ajaanibka ah

Hargeysa:Nov,19,2014(Himilo)-Waxa Mar kale ay cillad farsamo soo foodsaartay Idaacadda Radio Hargeysa, gaar ahaan qaybteeda la hadasha Gobollada Dalka, sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno Gudaha Xarunta Radio Hargeysa.

sabrWarka aanu Hayno ayaa intaas ku daraya in idaacadda gaadha Gobollada dalku ay muddo saddex cisho ah u fadhiday Cillad ku timi oo aan weli xalkeeda la haynin, waxana Khubaro loo diray sheegeen inaan looga maarmi Karin ingineerradii hore u cillad saari jirey oo dibadda laga dooni jirey.

Idaacadda Radio Hargeysa qaybteeda Gobollada Gaadha oo la kawstay Xukuumadda Kulmiye, isla-markaana ka mid ah Tiir-dhexaadka xukuumaddu ku faanto, ayaa marar badan cilladdan oo kale u fadhiisatay, waxana markasta oo ay ciladowdo loo doonaa khubaro ajaanib ah, maadaama farsamo yaqaannada Gudaha joogaa aanay lahayd cilmi iyo aqoon ay ku helaan dhibaatada Haysata.

Shacabka ku dhaqan Goobaha ka baxsan Caasimadda oo idaacaddani si gaar ah u dhegaysan jirey ayaa maalmahan dhegaysanaya idaacadaha Dibadda laga leeyahay, waxana ay weli la Yihiin idaacaddii qaranka ee ay dhegaysigeeda qabatimeen.

Wasaaradda Warfaafinta ayaan wali ka hadlin cilladan haysata Idaacadda, waxana ay filaysaa inay degdeg u raadin doonto khubarada ajaanibka ah, isla-markaana ay si fudud mar kale Hawada ugu soo noqon doonto.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment