
Xubnahan oo ka kooban Lix nin iyo Hal Gabadh ah, ayaa mid mid loogu codeeyey, waxana dhammaantood ay heleen cod isku mid ahaa oo ahaa 69-kii mudane ee dhammaantood halkaas fadhiyey, iyadoo aanay jirin cid diidday iyo cid ka Aamustay midnaba.
Xubnahan ayaa xilka hayn doona Muddada shanta sano ee soo socoto,waxana la filayaa inay dhawaan la wareegeen shaqadooda oo haatan ay si ku meel-gaadh ah usii hayaan Xubnihii hore ee Komishanka doorashooyinka qaranka oo iyaga haatan xilkoodu dhamaaday.
Shaqooyinka ay xubnahan qaban doonaan, ayaa waxa kamid ah sidii ay u qaban qaabin lahaayeen Doorashooyinka Madaxtinimada, Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose, waxana ay isku dubbaridi doonaan shuruucda iyo qaanuunka lagu geli doono Doorashooyinka soo socda oo la filayo inay dhacaan Sanadka 2015-ka, kuwaas oo iskugu jira Madaxtinimada iyo Baarlamaanka.
Todobada Xubnood ee saaka la ansixiyey ayaa kala ah sidan soo socota:
- Siciid Cali Muuse
- Cabdiraxmaan Aadan Sigad
- Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi
- Cabdifataax Ibraahim Xasan
- Maxamed Xasan Wacays
- Cabdiqaadir Iimaan Warsame
- Maxamed Jaamac Maxamed
Himilo Media
No comments:
Post a Comment