Sidee Maraykanku Isha ugu hayaa Khilaafka soo noqnoqday ee Golaha Wakiillada Somaliland?
Nairobi, 22 Nov, 2014-(Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku aaddan khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada Somaliland iyo qaabka ay u aragto in lagu xalliyo khilaafka muddooyinkii u dambeeyey u dhexeeyey Mudanayaasha Muxaafidka iyo Mucaaraidka Wakiillada oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Golahaas oo Xildhibaannada Mucaaradka hoggaaminaya iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen oo kuwa Muxaafidka hoggaaminaya.
Khilaafkan oo dhexdhexaadin Golaha Guurtidu ka galay la filayo inay Sabtida ku shaaciyaan Fadhigooda go’aammada ay ka gaadheen ayey Xukuumada Maraykanku sheegtay inay filayaan in si nabadgelyo ah lagu dhammeeyo khilaafka, isla markaana xaaladda la dejiyo oo la isku soo dhawaado.
Su’aal Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani ka weydiiyey Sarkaalka xidhiidhka dadweynaha u qaabbilsan Safaaradda Maraykanka ee Nairobi Mr. Breeann McCusker, sida dalkiisu u arko khilaafka ka taagan Baarlamaanka Somaliland iyo mawqifkooda ku aaddan, maaddaama ay ka mid yihiin daneeyeyaasha caawiya nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.
Mr. McCusker, ayaa sheegay in mawqifka Xukuumadda Maraykanka ee ku aaddan Baarlamaanka Somaliland yahay inay si dhaw indhaha ugu hayaan xaaladda, isla markaana rejaynayaan in lagu xalliyo qaab nabadgelyo ah, waxaanu yidhi; “Si dhaw ayaan indhaha ugu haynaa xaaladda, waxaan rejaynaynaa in lagu xalliyo si nabadgelyo ah.”
Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dawladda Maraykanka oo ka mid ah waddamadda daneeya, isla markaana taageerada nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland ka ka tidhaahdo khilaafka ka taagan Baarlamaanka Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment