Sunday, November 23, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Shil Naxdin leh oo galaaftay Nolosha Dhalinyaro u dhalatay Somaliland

Hargeysa, 23 Nov, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay shil naxdin leh oo todobaadkan ka dhacday waddanka Sucuudiga, kaas oo sababay dhimashada Shan dhalinyaro ah oo u dhashay Somaliland, ka dib markii dab-qabsaday guri ay deggenaayeen Tuqba ee waddankaas.
Shanta Qof ee shilan naxdinta leh ku geeriyooday oo dhammaantood ahaa dhalinyaro u dhalatay Somaliland, ayaa Jimcihii lagu aasay dalka Sucuudiga, halka Afarta qof ee dhaawacyadu soo gaadheen lagu dabiibayo cusbitaal ku yaala waddankaas.
downloadMadaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Marxuumiinta geeriyooday Eebbe uga baryey naxariistii Janno inuu ka waraabiyo, halka kuwa dhaawacmay uu caafimaad-qab ugu duceeyey.
War-saxaafadeed xambaarsan dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray qoysaskii, ehelladii iyo Shacbiga ay Somaliland ee Marxuumiintu ka baxeen, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya madaxweynuhu shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Sucuudi Arabiya gaar ahaan qaybta la yidhaahdo Tugba oo uu Guri ku gubtay dhalinyaro reer Somaliland ah, kuna geeriyoodeen 5 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale 21/11/2014 laguna aasay Jimcihii Sucuudi Carabiya.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumiintaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan ka siiyo. Inta Dhaawaca ahna waxa uu madaxweynuhu Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment