Sunday, November 9, 2014

Ganacsato Maxjar Saddexaad oo ay Berbera ka hirgelinayaan Khilaaf ka dhex-abuuray Maxjarka Indho-deero oo Iska Fogeeyey Eedaymo loo jeediyey

“Dhacdadii ka dhacday degmada Berbera, waxaa ay ahayd tii ugu horeysay ee malleeshiyo ay shirkadi leedahay oo hubaysani soo weerarto mashruuc ganacsi…”

Hargeysa, 09 Nov, 2014 (Himilo)- Ganacsato magaalada Berbera ka yagleelay dhismaha maxjar saddexaad oo xoolaha caafimaadkooda lagu daryeelayo, kaas oo kuran ku dhexmaray Mulkiilaha iyo maamulka Maxjarka Indha-dheero, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadan Kooxo hubaysan oo todobaadkii hore weeraray goobta dhismaha maxjarkaasi ka socdo, kuwaas oo lala xidhiidhiyey inay ka dambeeyey maamulka Maxjarka Indho-Deero.
gurayteXubno ka tirsan Ganacsatada hirgelinaysa Maxjarka Cusub oo shalay gelinkii dambe magaalada Hargeysa ku qabtay, shir-jaraa’id oo jawaab u ah eedaymo maamulka sare ee Maxjarka Shirkadda Deero Group ugu jeediyeen inay leexsadeen isla markaana alaab dayac-tirka Maxjarka Deero Group loogu talo-galay oo dekedda Berbera taallay inta la baxeen ay isaga dhisteen Maxjarka Cusub, waxa ay ganacsadani beeniyeen isla markaana waxba kama-jiraan ku tilmaameen jiritaanka eedaynta iyo hadalka ka soo yeedhay maamulka Maxjarka Deero Group, iyaga oo sheegay inay iyagu leeyihiin isla makraana ay hayaan caddeymo iftiiminaya mulkiyadda lahaanshiyaha alaabta laysku haysto.
Shirka jaraa’id ee ganacsatadu kaga hadleen arrinta, waxa ugu horeyn ka hadlay Cabdiwalaab Cige Axmed oo ganacsada ka mid ah, waxaanu faahfaahiyey sida wax u jiraan iyo waxa ay kaga jawaabayaan eedaymaha loo jeediyey.
"Shirkan jaraa'id ee aanu maanta qabanaynaa waxaa uu ku saabsan yahay jawaab aanu ka bixinayno,hadalka ka soo yeedhay shalay (dorraad) masuuliyiinta maxjarka loo yaqaano Indha-deero oo ahaa Abu-yaasir iyo ilma Indha-deero, kaas oo ay kaga hadleen biraha aanu ku wadno mashruuca ganacsatada xoolahu ay ka wadaan Berbera muddo todobo bilood ah, oo ay yidhaahdeen birahaas waa nalaga soo xaday. Waxaa la yaableh in ay xataa garan waayaan anaga oo ku tirinayna ganacsatada waawayn, waana la wada hadli karaa, laakiin in ay xataa dadka ay wax u sheegayaan ee ay warbaahinta u marinayaan ay ka fakeri waayaan in xataa ay dadku yihiin dad caqli leh.
Cabdiwahaab waxa uu ka hadlay khilaaf hore u dhexmaray shirkadda Deero Group, balse wada-hadallo laysku dayay in xal loogu raadiyo khilaafkaas oo suurto-gali waayey ka dib, ay sababtay in khilaafkoodu soo laba kacleeyo, waxaanu yidhi, “Hadda muddo badan ayaa mashruucayagani uu socday, waxaana muddo hadda laga joogo Saddex bilood ay nagu qabsadeen niman qaraabo ay yihiin Mustafe oo ay dhulkayagii dhul ka mid ah ay qabsadeen, ka dibna ay arrintaas raali-galin ka bixiyeen Mustafe iyo raggii kale ee hawshaas ay khusaysay kuwaas oo sameeyey dacwad ka noqosho, taas oo u dhignayd in aanu wada-hadal samayno.”
“Muddo dheer ka dib-na haddii aanu wada-hadalkii aanu isku fahmi waynay,waxaa ay ku dhaqaaqeen in ay sameeyaan gacan ka hadal, taas oo ay la yimaadeen ciidan badan oo ciidan maleeshiyaad ah iyo gawaadhi badan oo runtii mashruucayagii u gaysatay khasaare badan iyo dhibaato se may dhicin dhaawacyo bina aadam se waxaa dhacay khasaare aad u fara badan.Haddab mudadaas ka dib markay taasi socon wayday ay hadana ay yidhahdeen waxaa nalaga soo xaday biraha meesha lagu wado," Sidaas ayuu yidhi Cabdiwahaab Cige Axmed
Ganacsade Cabdi Cismaan Biindhe oo isna halkaas ka hadlay, ayaa weerarka kooxaha hubaysani todobaadkii hore u geysteen goobta uu ka socdo dhismaha Maxjarka cusub ku tilmaamay dhacdo ugub ah oo aan hore uga dhicin Somaliland, sidaa awgeedna Xukuumadda looga baahan yahay tallaabo sharciga waafaqsan oo ay ka qaaddo dadkii ka dambeeyey weerarkaas.
"Maalin-shanaadkii dhacdadii ka dhacday degmada Berbera, waxaa ay ahayd tii ugu horeysay ee maleeshiyo ay shirkadi leedahay oo hubaysani ay soo weerarto mashruuc ganacsi ama shirkad iyada oo arrimaha noocaas oo kale ah lagu sheegi jiray uun Koonfurta Soomaaliya, laakiin Somaliland ay maanta kow u tahay. Waxaan u sheegayaa dawladda Somaliland oo aan uga digayo in ay arrintaas ay jidayn doonto sunne xun iyo in cid kasta ay isku daydo in ay sharciga ku fushato gacantiisa. Waxaanu mar labaad aanu u sheegaynaa ciidamada amaanka in aanu saluugsanahay ama sida ay u siicoto hawsha wax-qabadkeeda," Sidaas ayuu yidhi Cabdiwahaab Cismaan Biindhe.
Yuusuf Cali Nuur oo masuuliyiinta shirkadda Indho-Deero iyo Ganacsadaha Carbeed ee Ala Yaasir oo maxjarka shuraako ku ah eedayn ugu jeediyeen inuu shirkaddooda ka leexsaday Alaabta lagu dhisayo Maxjarka Cusub, ayaa iska leexiyey eedaynt loo jeediyeyu, waxaanu yidhi, "Xalay (habeen hore) waxaa ay yidhaahdeen ninka la yidhaahdo Yuusuf Cali la yidhaahdo waxaa uu noo ahaa shaqaale, anigu waxaan u sheegayaa in aan muddo Sannado ah aan ahaa wakiil markabeed (Agent), waxaan leeyahay xafiis caan ah oo la yaqaano oo la yidhaahdo Tawfiiq Agency, waxaanan boqolkiiba 35% aan wakiil u ahay maraakiibta dekedda magaalada Barbera, waxaanan ahaan jiray shan iyo tobankii Wakiil ee ugu horeeyey waagii Soomaaliya, waxaanan ahaa kabtanada iyo saraakiisha sar-sare. Annaga Alaabtan ay ka hadlayaan waxaa sidday maraakiib caalami ah oo cadaymo leh, sifo sharci ahna waxaa ay u yimaadeen dekedda magaalada Barbera sifo sharci ahna waa ay u soo dageen, dekedda Barbera-na waxba laguma foojariyeeyo, si nadaam ah ayaa ay u soo baxeen allaabtaasina waa allaab aanu leenahay cadaymahayagana ku qoran. Waxase ceeb ah in nimanka tujaarta ah ee reer Somaliland ah oo tiradooda illaa sodon nin oo tujaar ah tahayu, yihiin rag Boqol-kun oo dollar xadi kara? jawaabtu waa maya.”
Ganacsade Cabdilaahi Carab oo isna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, "Dhacdadan runtii reer Somaliland way ka dharagsan tahay, runtiina hore umay dhicin, waayo anagu waxaanu u tudhaynay shacabka reer Somaliland ama Xukuumada Somaliland hase ahaatee maanta waxaa nagu kalifay in aanu hadalno markii kii dambiilaha ahaa uu soo fadhiistay Tv-ga oo uu dadka wax aan jirin uu u sheegay. Runtii Somaliland waxaa ay ku soo caano maashay nabad,waxaa ay ku soo caano maashay in wax kasta oo yimaada sharciga lagu dhameeyo, 21 Sano ka hortow, halkii aynu joognay ayaa maanta raggii ganacsatada ahaa ee shirkadan leh ay ku celiyaan reer Somaliland, waxaan idin sheegaynaa, Ina Indha-deero hadduu soo kaxaystay shirkaddiisa ama in xidhiidh dhaw la leh anagu ganacsatada reer Somaliland oo dhan ayaanu ka koobanahay ee Lixda gobal ee reer Somaliland, anagu waxaanu ka koobanahay Lixda gobol ee Somaliland, hase ahaatee waxaa aanu u tudhaynay shacabka reer Somaliland.".
Ganacsade Cali Nabadiid oo gebo-gabadii shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa yidhi, "Dadkii falkaa gaystay 10-gaadhi iyo 80-ciidana ayaa ay ahaayeen, oo ah maleeshiyo ay shirkadda ganacsatada Indha-deero ay leedahay cid lagu eedaynayo oo intaa ka fogna ma jirto, cid kale oo ka dambaysayna may jirin, waxaa ay ahaayeen shaqaalihii ka shaqaynayey xafiiskiisa. Arrintaas xaga dawlada gaabis ayaanu ka dareensanahay, anagu hadaanaan ganacsato ahaan lahayn dee arrintu si kale ayaa ay ahaan lahayd, waanu ka gurmanay oo dhinacayagii waanu xakamaynay isla markiiba, habeenkiiba falkii lagaga jawaabi lahaa si ragganimo leh oo fiican ayaanu u dawaynay, arrintaas dambigeedana waxaa ay dawladu noo ballan-qaaday in ay wax ka qabanayso, illaa imiikana lama soo qaban kii maalgalinayey ee dabada ka waday oo aanu u qornay hay’adaha Amaanka," sidaas ayuu yidhi.
Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxa hore ugu yaallay laba maxjar oo mid uu leeyahay ganacsade Carbeed oo lagu magacaabo Al-Jaabiri, halka Maxjarka labaad ay wada-leeyihiin Shirkadda Indho-deero iyo ganacsade Carbeed oo lagu magacaabo Abu-Yasir. Haseyeeshee, Maxjarka Saddexaad ee oo khilaafkiisu soo baxay todobaadkii u dambeeyey, waxa dhismihiisa maalgelinaya oo iska kaashanaya ganacsatada waaweyn ee Dhoofiya Xoolaha, kuwaas oo isugu jira ganacsado ka soo kala jeedda gobollada kala duwan ee Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment