Monday, November 10, 2014

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Yididiilo Xumo Ka Muujiye In Doorashooyinka Xilligii Loogu Talo galay La Qabto

Hargeysa:Nov,10,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Enng. Faysal Cali Waraabe oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa rajo xumo ka muuiyey Doorashooyin ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hirgeliso oo aan muddo dhaafin.

faysaliiiFaysal Cali waraabe oo la Hadlay warbaahinta kadib markii uu Soo Degay, ayaa dhaliilay fasaxyada ay Golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu iska galeen xilli dalku u diyaargaroobayo Arrimo Doorasho oo qabanqaabadeeda u baahan.

“Dalkan wixii ka socday wax badan kamaan ogayn, laakiin waxaan ogahay inaan wali la ansixin guddidii doorashooyinka, inaan baarlamaankii la furin, inay guurtidii fasax ku maqan tahay, halkaana waxa ka muuqata in sag saag ku jiro in doorasho dhacdo, taasina waxay keenaysaa cawaaqib xumo, waxaanan filayaa in laga maarmay doorashooyinkii iyo asxaabtii markaa talo kale oo qaran looga wareegi doono, mar haddii hay’addihii xilka ku lahaa inay agabka doorashooyinka dhigaan ay meeraysanayaan oo aanay doonayn inuu qofna meeshiisa ka kaco waxa iman doonta in laga tashado, waxaanan ugu bushaaraynaynaa cida wakhtigoodu dhamaado inaanu sharci ku fadhiyeyn lagana tashan doono,” Ayuu Yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu canbaareyey ciidamada ay xukuumadu u isticmaalayso dadka shacabka ah iyo hay’addaha warbaahineed ee ilaa hada xidhan waxaanu yidhi “Waxyaalihii aynu ku caano maalnay ee aan aduunka ka iibino, warbaahintana waxaanu jecelnahay inay xukuumadu xidho waayo waa kuwii nooga hiiliyey markii uu Siilaanyo mucaaridka ahaa ee warkayagana aasi jiray kuwiisana buun buunin jiray waanan jecelnahay inay cuquubadu ku dhacdo laakiin mab da’ahaan waanu ka soo hor jeednaa iyaga iyo ciidamada laysticmaalayo ee sidii duub castii Maxamed Siyaad Bare loo dirayo dadka, labaduba waxa uu ku tusayaa in dalkeenu uu leexday wixii uu ku caano maalayna ka leexday,”

Faysal Cali Waraabe oo ka Hadlay arrimo la Xidhiidha Guryo xukuumaddu leedahay oo dadkii ku jirey laga saaray, isla-markaana iib loo soo bandhigay, ayaa Tilmaamay in Loo Baahan yahay in Guryahaas si caddaaladi ku jirto loola dhaqmo dadka ku jira oo aan cid gaar ah la dhibaatayn, waxana uu yidhi,

“Waxaanu leenahay guryaha shacabka Hargeysa ee dawladu leedahay ama dadka ha loo soo wada celiyo ama reer Hargeysa ayaa lahaaye ha qaybsadaan laakiin in qolo qaadato anaguna ka qaawanaano wax meesha qabta maaha.”

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment